Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku booriyey guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee dhismaha Baarlamaanka Federaalka, ka mira dhalinta hawsha loo igmadey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku booriyey guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee dhismaha Baarlamaanka Federaalka, ka mira dhalinta hawsha loo igmadey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 5 June 2016 (Villa Somalia)—- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmey Guddiga Xaqiijinta Qoondada 30% ee Haweenka Soomaaliyeed ee matalaadda Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa guddigan u sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa in haweenka ay goleyaasha qaranka ka helaan qoondada ku xusan dastuurka, ayna la yimaadaan dadaal arinkaasi lagu dhaqan-gelinayo.

Related posts

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha guddigaasi ugu baaqey inay sameeyaan wacyigelin, culeys-saar iyo qaab hufan oo matalaadda haweenka la xiriirta, isagoo dhanka kale u xaqiijiyey in madaxda dowladda ay garab taagan yihiin in haweenka qoondadooda ay helaan.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa isna guddigaasi ka codsadey inay degdeg u hawlgalaan, kana shaqeeyaan nidaamka ugu habboon ee loo dhaqan-gelin karo matalaadda haweenka sida ku cad dasuurka KMG ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale kulankaasi hadal ka jeedisay Wasiirka Haweenka, Marwo Sahro Maxamed Cali Samantar.

Guddiga Xaqiijinta Qoondada 30% ee Haweenka Soomaaliyeed ee matalaadda Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa bishii May, 29-keeda lagu aasaasey Xeer Madaxweyne oo nambarkiisu yahay 40, dhaqan-galna noqday isla maalintaasi.

1 2 3 4 5 6

Previous Post

Ciidanka booliska oo gacanta ku dhigay qalab iyo shidala si sharci darro ah lagu kala iibsanayay

Next Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Weriye Sagal Salaad Cusmaan

Next Post
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Weriye Sagal Salaad Cusmaan

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Weriye Sagal Salaad Cusmaan

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
0

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa ka warbixiyay heshiis cusub...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan...

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In