Marti qaad rasmi ah oo uu u fidiyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay dalkaasi taas oo qaadatay sadex maalin oo ka bilaabatay 6 โ 8 Juune ee bishan.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu horeyn waxaa uu booqday xeryaha Dhadhaab, isagoo dadka qaxootiga ah u xaqiijiyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qaabisho dadkeeda ka soo laabanaya qaxootinimo mudo dheer ka dib xilli lagu guda jiro dib u dhiska dalka iyo soo celinta nabadda iyo deganaansha isla markaana laga shaqeynaayo dib u heshiisiinta.
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale u balan qaaday dadka qaxootiga ah in dib u celintooda ay u dhici doonto si waafaqsan nidaamka, isagoo Kenya ugu mahadceliyay dulqaadka iyo deeqsinimada ay u muujisay martigelinta qaxooti intaa la eg muddo rubuc qarni ka badan.
Madaxweyniyaasha labada dal ayaa kulan labo geesood ah waxaa ay maalintii Tallaadad aheyd ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kulanka ayaa dib loogu eegayay arimaha labo dhinac ah iyo kuwo arimo badan quseeya sida nabadda, ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya, arimaha dib u celinta qaxootiga iyo iskaashiga dhanka dhaqaalaha ah.
Arimihii ay isku afgarteen labada hogaamiye waxaa kamid ah:
1.Waxaa ay dib u xaqiijiyeen daris wanaaga, isku xirka dhaxalka, taas oo ku dhisan danaha labada dalka isla markaana aheyd xiriir soo jireen ah oo ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.
- Waxaa ay bogaadiyeen tabaruca ay sameeyeen wadamada Afrikaanka ah ee ku deeqay ciidanka midowga Afrika ee AMISOM si ay u xasiliyaan Soomaaliya kuna shaqeyneya qiyamka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya AMISOM iyo xoogaga amniga ee Soomaaliya taas oo keentay in uu wadanka uu ka soo kabto isla markaana suurtagasho in la hirgeliyo hanaanka sanadka 2016 ee Soomaaliya
- Waxay sidoo kale bogaadiyeen doorka Kenya ay ku leedahay xaqiijinta nabadda, amniga, midnimada iyo deganaanshaha Soomaaliya.
- Waxaa ay isla qirneed in dadaalada laga sameeyay hanaanka siyaasada Soomaaliya ayagoo muujiyay in ay kalsooni buuxda ku qabaan doorashada soo socota in ay u dhici doonto sidii loo qorsheeyay taas oo keeni karta wadan xasiloon isla markaana barwaaqo ah.
- Sidoo kale waxaa ay isku afgarteen in si wadajir ah looga shaqeeyo arimaha dib u celinta qaxootiga ay u dhacaan si waafaqsan xeerarka baniโaadanimada isla markaana la waafijiyo heshiiskii sadex geesoodka ahaa.
- Heshiiska sadex geesoodka ayaa sheegayay in hanaan deg degsiimo ah oo ilaalinaya sharafta iyo baniโaadanimada loo eego dib u celinta qaxootiga Soomaaliya.
- Ayaga isku raacay in ay bogaadiyaan isku dayga ah in kor loo qaado iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac taas oo abuuri karta in si fir fircooni ah looga wada shaqeeyo hanaanka ku saleysan heshiiskii sadex geesoodka.
- Beesha caalamka ayay ugu baaqeen in taageero ku filan la siiyo dowladda Soomaaliya marka ay qaabileyso dadka qaxootiga ah ee dalka ku soo laabanaya.
- Labada hogaamiye ayaa isku raacay in si deg deg ah loo unko guddi labada dhinac ah kaas oo ka shaqeyn doono isla markaana dabagal ku sameeya sida loo fuliyay heshiisyada gaar ahaan dadka isu kala goosha xuduuda, nabadgeliyada, ganacsiga iyo maalgashiga,caafimaadka, ciyaaraha, arimaha dhalinyarada, dhaqanka iyo cilmi baarista iyo isgaarsiinta.
- Waxaa ay sidoo kale ku heshiiyeen labada madaxweyne heshiis waqti gaaban ah kaas oo ah arimaha canshuuraha iyo amniga socdaalka duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya waxaana dhowaan la sameeyo hal meel oo arintaas laga fuliyo, iyadoo waqtiga dheerna uu qorshuhu yahay in duulimaad toos ah ay wada yeeshaan Soomaaliya iyo Kenya.
- Arimaha gobolka ayaa sidoo kale kamid ahaa waxyaabihii ay ku heshiiyeen, ayagoo isku raacay in guddoomiyaha urur goboleedka IGAD laga tashado in shirka hogaamiyeyaasha ururkaas lagu qabtyo magaalada Muqdisho.
- Ayagoo ugu dambeyna dib u xaqiijiyay sida ay ugu goโan tahay in si wadajir ah ugu shaqeeyaan danaha labada dhinac.
Madaxweynaha dalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaxiibkiisa Uhuru Kenya waxaa uu ugu mahadceliyayย marti qaadka wanaagsan ee uu u smaeeyay .Isagoo madaxweynaha dalka Kenya marti qaad rasmi ah u fidiyay in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya mustaqbalka dhow, madaxweyne Kenyatta wuu aqbalay casuumaadaas.