Ciidamada xooggada dalka oo kaashanaya kuwa booliska gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa howlgallo ka fuliyay deegaanka Buulo Jadiid oo qiyaastii 30 Km u jirta degmada Tiyegloow ee gobolka Bakool.
Howlgalka ayaa waxaa lagu bur buriyay fariisin ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Buulo Jadiid, halkaaso oo loogu geystay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, iyadoo sidoo kale laga gubay gaadiid dagaal.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa ku soo waramay in maleeshiyada Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaano kale oo hoos yimaada deegaanka Buulo Jadiid ee ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa booliska gaarka ah ka fuliyeen howlgalka.
Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shacabka ka codsaday inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga, maadaama ay bilaabayaan howlgallo ka dhan ah haraadiga Al-Shabaab.