Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha SONNA “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Kismaayo ka furno xafiiskii SONNA”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha SONNA “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Kismaayo ka furno xafiiskii SONNA”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee Sonna ayaa ayaa xafiiskii ugu horeeyay oo ka baxsan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxay ka furatay magaalada Kismaayo ee Xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Xafiiskaan cusub ayaa sida wadajir ah waxaa xariga kaga jaray Wasiirka Warfaafinta dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Cabdinuur Cali Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Waraadda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee SONNA Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cadaala oo ka hadlay furitaanka Xafiiskaan cusub ayaa sheegay in howshaan waqti ay soosocotay laakiin maanta lagu guuleestay.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay maanta inaan halkaan ka furno xafiiskii ugu horeeyay oo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ay ku yeelato gobalada dalka, kaas oo noqonaya ku dhowaad 30-sano ka dib in SONNA mar kale xarun ku yeelato Kismaayo.” Sidaasi waxaa yiri Agaasimaha Guud ee Wakaaladda SONNA.

Mudane Cabdinaasir Axmed Bashiir (Saxansaxo) oo ah Madaxa SONNA ee Jubbaland ayaa asna sheegay in xafiiskaas uu noqon doonon midka soo gudbin doona wararka deegaanada Jubbaland ee saxda ah si ay u helaan dad waynaha Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdirasaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa sheegay in xafiiskaan laga furay kismaayo uu horseed u noqon doono xarumo badan oo Wakaaladdu ku yeelan doonto dhamaan dalka.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Jubbaland Mudane Cabdinuur Cali Aadan oo ayaa tilmaamay in dowlad gobaleedka Jubbaland aad u soo dhaweynayso Xafiiska Cusub ee SONNA ee laga hirgaliyay magaalada Kismaayo.

Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa horumar wayn ku talaabsatay tan iyo markii bishii Janaayo ee sanadkaan Agaasimaha Wakaaladda loo magacaabay Mudane Cabiraxmaan Yuusuf Sheekh Cadaala oo horay u ahaa Agaasimaha Tvga Qaranka, sidoo kalana soo noqday Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliya.

13474094_833448203456601_665415894_n 13479540_833447920123296_195402374_n 13487337_833447686789986_103348326_n 13487525_833447876789967_1690090314_n

Previous Post

Madaxweynihii hore ee Masar oo lagu xukumay xabsi daa’in

Next Post

Tababar loo qabtay shaqaalaha wasaaradda waxbarashada Galmudug+Sawirro

Next Post
Tababar loo qabtay shaqaalaha wasaaradda waxbarashada Galmudug+Sawirro

Tababar loo qabtay shaqaalaha wasaaradda waxbarashada Galmudug+Sawirro

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In