Saturday, May 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha SONNA “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Kismaayo ka furno xafiiskii SONNA”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha SONNA “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Kismaayo ka furno xafiiskii SONNA”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee Sonna ayaa ayaa xafiiskii ugu horeeyay oo ka baxsan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxay ka furatay magaalada Kismaayo ee Xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Xafiiskaan cusub ayaa sida wadajir ah waxaa xariga kaga jaray Wasiirka Warfaafinta dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Cabdinuur Cali Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Waraadda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026

Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee SONNA Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cadaala oo ka hadlay furitaanka Xafiiskaan cusub ayaa sheegay in howshaan waqti ay soosocotay laakiin maanta lagu guuleestay.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay maanta inaan halkaan ka furno xafiiskii ugu horeeyay oo Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ay ku yeelato gobalada dalka, kaas oo noqonaya ku dhowaad 30-sano ka dib in SONNA mar kale xarun ku yeelato Kismaayo.” Sidaasi waxaa yiri Agaasimaha Guud ee Wakaaladda SONNA.

Mudane Cabdinaasir Axmed Bashiir (Saxansaxo) oo ah Madaxa SONNA ee Jubbaland ayaa asna sheegay in xafiiskaas uu noqon doonon midka soo gudbin doona wararka deegaanada Jubbaland ee saxda ah si ay u helaan dad waynaha Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdirasaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa sheegay in xafiiskaan laga furay kismaayo uu horseed u noqon doono xarumo badan oo Wakaaladdu ku yeelan doonto dhamaan dalka.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Jubbaland Mudane Cabdinuur Cali Aadan oo ayaa tilmaamay in dowlad gobaleedka Jubbaland aad u soo dhaweynayso Xafiiska Cusub ee SONNA ee laga hirgaliyay magaalada Kismaayo.

Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa horumar wayn ku talaabsatay tan iyo markii bishii Janaayo ee sanadkaan Agaasimaha Wakaaladda loo magacaabay Mudane Cabiraxmaan Yuusuf Sheekh Cadaala oo horay u ahaa Agaasimaha Tvga Qaranka, sidoo kalana soo noqday Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliya.

13474094_833448203456601_665415894_n 13479540_833447920123296_195402374_n 13487337_833447686789986_103348326_n 13487525_833447876789967_1690090314_n

Previous Post

Madaxweynihii hore ee Masar oo lagu xukumay xabsi daa’in

Next Post

Tababar loo qabtay shaqaalaha wasaaradda waxbarashada Galmudug+Sawirro

Next Post
Tababar loo qabtay shaqaalaha wasaaradda waxbarashada Galmudug+Sawirro

Tababar loo qabtay shaqaalaha wasaaradda waxbarashada Galmudug+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In