Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Howlwadaag Vs Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bakool, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar suโaal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Howlwadaag iyo Xudur iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin labada degmo.
Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Howlwadaag iyo Xudur ย waxey noqotay sidan:-
Howlwadaag
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Suโaal, waxaana suโaallihii la weydiiyey ay ka jawaabeenย Afarย suโaal oo waxa ay iska qaldeenย Saddex, waxa ay si ka faaโiideysi ah u heleen Hal suโaal oo soo hareermartay Xudur, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Howlwadaag ay heleen noqoneysaaย 10ย dhibcood (Toban dhibcood).
Xudur
Tartamayaasha Degmada Xudur ย waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Suโaal,ย suโaallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeenย Halย suโaal,ย halka ay iska qaldeen Lix ย suโaal, mana jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay heleen, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Xudur ka dhigeysaa inay heleenย 2ย dhibcood (Labo dhibcood).
Hadaba kulankii 14aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi,
Habeen dambe oo ah habeenka 15aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartamiย doona degmooyinka Baydhabo iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan gobollada Benaadir iyo Baay.
Halkan ka dhageyso Tartankaย
Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir