Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa wareegiiisa labaad tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Yaaqshiid Vs Bayhabo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Agasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraaq Cali Yuusuf bahlaai ayaa caawa furay wajiga labaad ee tartanka, isagoo guul u rajeeyay degmooyinka u soo gudbay wareega labaad.
Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Yaaqshiid iyo Baydhabo waxey noqotay sidan:-
Yaaqshiid
Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen Afar, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Labo su’aal oo soo hareermartay Baydhabo, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Yaaqshiid ay heleen noqoneysaa 10 dhibcood (Toban dhibcood).
Baydhabo
Tartamayaasha Degmada Baydhabo waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Labo su’aal, halka ay iska qaldeen Shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Baydhabo ka dhigeysaa inay heleen 4 dhibcood (Afar dhibcood).
Hadaba kulankii 15aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga saddexaad u soo gudbay tartamayaasha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi,
Habeen dambe oo ah habeenka 16aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Kaxda iyo Wadajir oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir.
Halkan ka dhageyso Tartanka
Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir