Thursday, June 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlaya xoojinta la dagaallanka Argagixisada 

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlaya xoojinta la dagaallanka Argagixisada 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya , ayaa waxaa uu maanta kulan dheer la qaatay Dhiggiisa dalka Kenya Raychelle Awour Omamo.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya iyo Iskaashiyo hor leh oo laga galayo dhinacyada Amaanka, Labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo xasilinta dalka iyo la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dalka Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka guud ahaan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

June 23, 2026
DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda AricadeeyeARICADEEYE

June 23, 2026

“ Waxaan uga mahadnaqayaa Dawladda Kenya oo ciidankeedu ay qaybta ka yihiin howlgalka AMISOM taageerada ay noo fidinayaan ee ka qayb qaadashada sugidda iyo la dagaalanka Argagixisada oo gobolka khatar ku ah.” Ayuu yiri Wasiir Diini.

Dhanka kale waxaa uu xusay in ay ka go’antahay sidii  gacan bir ah loogu qaban lahaa kooxaha Xagjirka ah ee dhibaataynaya shacabka Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya  ayaa sheegay in la sii xoojin doono howl-galadda lagu burburinayo nabad-diidka isla markaana lagu xoraynayo goobaha ay weli ku harsan yihiin kooxaha Nabad-diidka.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Raychelle Awour Omamo ayaa sheegtay in dawladdooda ay gacan buuxda ka geysan doonto ciribtirka kooxaha Nabadda diidan, waxana ay intaas raacisay in rashadaha ay argagixsadu ka wado Soomaaliya iyo Kenya ay u baahan tahay iskaashi iyo wadajir in lagu wajaho.

Previous Post

Col. Tree disho “Siddeed maleeshiyaad ah ayaan ku dilnay Mesegawaay”

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Baydhabo ka furay shirka madasha wadatashiga qaran

Next Post
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Xuseen Bantu

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Baydhabo ka furay shirka madasha wadatashiga qaran

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

June 23, 2026
0

Muqdisho, 23 June, 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa...

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda AricadeeyeARICADEEYE

June 23, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay colaadda ka socota deegaanka Aricadeeye, taas...

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

June 23, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab istaag iyo taageero buuxda u muujineysaa Dowladda...

DFS oo soo dhaweysay Is afgaradka u dhexeeya Dowladaha Mareykanka Iiraan

DFS oo soo dhaweysay Is afgaradka u dhexeeya Dowladaha Mareykanka Iiraan

June 23, 2026
0

Muqdisho, June 23, 2026: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa Isfahamka iyo Is afgaradka (Memorandum of Understanding) ee u dhexmaray...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In