Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado ee caasimada ku meel gaarka ah ee Galmudug kadib markii uu ka soo laabatay shirkii madasha qaran oo mudo sadax cisho ah uga socaday hogaamiyaashda madasha qaran magaalada baydhabo ee xarunta maamulka koonfur Galbeed .
Wafdi Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka degmada cadaado madaxweyne ku xigeenak Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo qaar kamid Golaha wasiirada ,Xildhibaanada iyo qeybaha bulshada Galmudug.
Madaxweynaha ayaa markii ugu horeysay waxa uu mahad balaaran u jeediyay madaxweynaha maamulka koonfur galbeed iyo dhamaan shacabaka koofur galbeed gaar ahaan shacabka magaalada baydhabo sida wanaagsan oo ay u martigaliyeen shirka dhameystirka aayaha umada soomaliyeed runtiina shacabka magaaladaas ayuu ku tilmaamay ku aan marnaba la hilmaamin Karin isla markakna ay ka go antahay midnimada umada soomaliyeed.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa warbaahinta kaga war bixiyayay shirkii madasha qaran iyo wixii ka soo baxay waxa uu na sheegay in dhameeystirka howlaha madsha qaran in guulo waa weyn laga soo gaaray ayadoona waxyaabaha laga heshiiyay ay ka midyihiin Gudiyada doorashooyinka ,miisaaniyada doora shooyinka , gudiga xalinta qilaafaadka ,odayaasha dhaqanka ayadoona la isla gartay in aan wax laga badalin odo yaashi hore wixii dhintana la soo badalo arimaha miisaaniyada doorashooyinka in ay bixiyaan dowlada iyo beesha caalamka .
Ugu danbeytii madaxweyne Cabdi kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dhamaan ka qeyb galayaashi madasha qaran baydhabo ay ka go’need u hiilinta midnimada umada soomaliyeed hirgalinta doorasho xor iyo xalaaha ah oo ka dhacda soomaliya galmudugna waxa ay diyaar garow ugu jirtaa diyaar garoow sidii ay dorashooyinka la filayo dhawaan in ay ka dhacaan Caasimada ku meel gaarka ah ee Galmudug Caado.