Saturday, November 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar “Wasiir Burci Wuxuu ka dhintay qaranka Soomaaliyeed isagoo hawshiisa gudanaya”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda oo cambaareeyay weerarka hotel ambbassidor
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Raiisul Wasaaraha X.F Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyska, ehelka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Wasiiru-dawlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka (Bii’ada) Xildhibaan Burci Maxamed Xamsa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wasiirku dhintay isaga oo u halgamaya dib-u soo kashada Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo sii hadlaya ayaa yiri: “Waxaa dishay gacan ka xaqdaran oo dambiile ah, qolada Alshabab ee maanta ku faaneysa inay dad isku qarxiyaan waxaan u sheegayaa shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed in ay ka guuleysan doonaan. Wuxuu ka dhintay qaranka Soomaaliyeed isagoo hawshiisa gudanaya, Ilaahay waxaan uga baryayaa marxuumkii howlaha muhiimka ah qaranka u hayay inuu janaddiisa ka waraabiyo ,shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna ka siiyo samir iyo Iimaan”.

Related posts

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

November 28, 2025
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 28, 2025

“Walaalkeen Burci Maxamed Xamsa Allaha u naxariisto, wuxuu ahaa intaan ka aqaaney nin aad u qiima badan oo howlaha qaranku leeyahay isla soo wadnay sanooyinkii u danbeeyey,”.ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Ra’iisul Wasaare Cumar.

Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Soomaaliyeed isaga oo la soo shaqeeyey guud ahaan madaxdii kala duwanayd ee soo martay hogaanka dalka sanadihii danbe oo uu ilaa wakhtigan ahaa Wasiiru-dawlaha Bii’ada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

 

 

Previous Post

Kulan Afur ah oo loo Sameeyay jaaliyadda ku nool magaalada Cape Town

Next Post

Messi oo la fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah kadib guul daradii xalay-Sawirro

Next Post
Messi oo la fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah kadib guul daradii xalay-Sawirro

Messi oo la fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah kadib guul daradii xalay-Sawirro

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

November 28, 2025
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in 600...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 28, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee...

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In