Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Tartamayaasha degmada Boosaaso oo kaalinta 3aad ee tartanka soo gashay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha degmada Boosaaso oo kaalinta 3aad ee tartanka soo gashay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad oo xiriir ah Maamulka Gobolka Benaadir ayaa caawa kaalinta 3aad  tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Boosaaso Vs Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Jubbada Hoose, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa tartamayaasha labada degmo waxa ay muujiyeen tartan wanaag oo ku dhisan aqlaaq iyo aqoon.

Related posts

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025

Natiijada tartankii dhexmaray xalay tartamayaasha degmooyinka Boosaaso iyo Kismaayo waxey noqotay sidan:-

Boosaaso

Tartamayaasha Degmada Boosaaso sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen afar, waxa ay si ka faa’ideysi ah u heleen labo su’aal oo soo hareer martay Kismaayo, wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Boosaaso ay heleen noqoneysaa 10 dhibcood (Toban dhibcood).

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Labo su’aal, halka ay iska qaldeen shan su’aal, mana jirin wax ka faa,iideysi ah, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Kismaayo ka dhigeysaa inay heleen 4 dhibcood (Afar dhibcood).

Tartamayasha degmada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa caawa u soo gudubtay kaalinta saddexaad, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay isugu hambalyeeyeen guusha iyo dadaalka ay muujiyeen

Habeen dambe waxaa wada tartami doona degmooyinka Warta Nabadda iyo Yaaqshiid oo ku loolamaya kulanka ugu dambeeya ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

IMG_5192 IMG_5197 IMG_5200 IMG_5205 IMG_5208 IMG_5212 IMG_5214 IMG_5219 IMG_5220 IMG_5223 IMG_5224 IMG_5227 IMG_5230 IMG_5247 IMG_5256 IMG_5260 IMG_5261Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

 

 

Previous Post

Maxamed Cabdulle Wardheere oo codsaday  in gurmad loo fidiyo “SAWIRRO”

Next Post

Tartanka Qur’aan akhris ah oo lagu xalay lagu qabtay Fiisho Governo -Sawirro

Next Post
Tartanka Qur’aan akhris ah oo lagu xalay lagu qabtay Fiisho Governo -Sawirro

Tartanka Qur’aan akhris ah oo lagu xalay lagu qabtay Fiisho Governo -Sawirro

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In