Wednesday, July 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxaabiis ku xirneyd saldhigga booliska Jowhar oo cafis loogu fidiyay ciida awgeed-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Maxaabiis ku xirneyd saldhigga booliska Jowhar oo cafis loogu fidiyay ciida awgeed-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Shabeela dhexe ayaa cafis u fidiyay maxaabiis ku xirneyd saldhiga Booliska magaalada Jowhar munaasabada ciidul Fitriga awgeed ee fooda nagu soo haysa awgeed.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay weheliyaan qaarka mid ah  mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa booqday maanta saldhiga Booliska degmada Jowhar waxana uu soo saaray amarkan lagu cafinayo sagaal ka mid ah maxaabiista ku xiran saldhiga Jowhar ku was oo aan gelin dambiyo culculus.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxa ay murugada la qeybsaneyaan Walaalahooda Qatar”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxa ay murugada la qeybsaneyaan Walaalahooda Qatar”

July 15, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ka Aflaxday Jaamacadaha Dalka Turkiga

Arday Soomaaliyeed oo ka Aflaxday Jaamacadaha Dalka Turkiga

July 15, 2026

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe, Daa’uud Xaaji Cirro, oo ka hadlay siideynta maxaabiistan ayaa sheegay in 9 maxbuus oo mid ka mid ah ay tahay haweeney loo fidiyay cafis si ay ula wadaagaan qoysaskooda ciid Al-Fitriga.

Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa aad ugu farxay iyagoo u mahadceliyay maamulka gobolka Shabeelaha dhexe.

Ammaanka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe oo aad u wanaagsan awgeed ayaanay jirin maxaabiis dambiyo culculus loo haysto hase yeeshee waxaa u badan dadka isku haysta lacago la kala amaahday iyo khilaaf dhinaca qoyska u badan.

jowhar cafis (1) jowhar cafis (2) jowhar cafis (3) jowhar cafis (4) jowhar cafis (5) jowhar cafis (6)

W/D: Cabdinuur Muudey

Previous Post

Daawo sawirada soo dhaweynta ciyaartoyda wadanka Iceland

Next Post

Afur wadareed lagu qabtay dalka Mareykanka-Sawirro

Next Post
Afur wadareed lagu qabtay dalka Mareykanka-Sawirro

Afur wadareed lagu qabtay dalka Mareykanka-Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxa ay murugada la qeybsaneyaan Walaalahooda Qatar”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya waxa ay murugada la qeybsaneyaan Walaalahooda Qatar”

July 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee magaalada Muqdisho,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Khudbad ka Jeediyay Furitaan Maalintii Labaad ee Madasha Saddexaad ee Horumarinta Soomaaliya

Minister of Foreign Affairs Addresses Second Day of the Third Somalia Development Forum (SDF 2026)

July 15, 2026
0

H.E. Abdisalam Abdi Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, today delivered the opening keynote address on the second...

Arday Soomaaliyeed oo ka Aflaxday Jaamacadaha Dalka Turkiga

Arday Soomaaliyeed oo ka Aflaxday Jaamacadaha Dalka Turkiga

July 15, 2026
0

Lataliyaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, Mudane Ismaaciil Ibraahim Aadan, oo ay wehliyaan Xildhibaan Mahad Cawad, Marwo Caaisha Maxamuud...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Khudbad ka Jeediyay Furitaan Maalintii Labaad ee Madasha Saddexaad ee Horumarinta Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Khudbad ka Jeediyay Furitaan Maalintii Labaad ee Madasha Saddexaad ee Horumarinta Soomaaliya

July 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta khudbadda ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In