Tuesday, August 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo boqollaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga”Dhageyso+Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 6, 2016
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo boqollaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga”Dhageyso+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha J. F. Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda ayaa boqollaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee mgaaalada Muqdisho.

Salaadda kaddib madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mdune Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa  boqolaal dadweynaha salaadda ka  soo qeyb-galay u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu uga hadlay ammuuraha amniga iyo dedaallada dowladda ee dhinaca doorashooyinka ku aaddan.

Related posts

Wasiir Fiqi” Kuwa u baahan dhiirigelinta waa Bulshada, idinkuna waxaa tihiin geesiyaal,”

Wasiir Fiqi” Kuwa u baahan dhiirigelinta waa Bulshada, idinkuna waxaa tihiin geesiyaal,”

August 19, 2025
Ciidanka Kumandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 18 ka tirsan Argagixisadda Al-shabaab.

Ciidanka gaarka ah ee Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle.

August 19, 2025

Madaxweynaha, ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey shacbiga Soomaaliyeed iyo Ummadaha Islaamka munaasabadda Ciiddul Fidriga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku dheeraadey ka haddalka marxaladda amni ee dalka iyo dagaalka lagula jira nabad-diidka, ayaa sheegay in shacabiga Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ilaaliyaan dadka, dalka iyo Diinta, isagoo ca,baareeyay argagixisadii weerarka ku qaaddey Masjidka barakeysan ee uu ku aasan yahay Nabi Muxamed (NNKH).

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed u jeediyey in dowladda ay ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa kuwa diiddan jiritaanka Diinta iyo dadnimada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo haddal qaadey arrimaha doorashooyinka dalka ka dhici doona sannadkaan, waxa uu sheegay in doorashooyinkaasi ay yihiin kuwa lagu cabiri doono horumarka ay Soomaaliya gaartay.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay u dhabar adeeygaan sidii ay dalkooda u difaacan lahaayeen, dowladda Soomaaliyana ay wax walb u huri doonto sidii dalka xasilooni loogu soo dabaali lahaa, isagoo dalka ugu duceeyey in Alle uu gaarsiiyo horumar ka weyn midka sannadkaan la gaaray.

madaxweynaha soomaaliya xasan sheeq oo salaada ciida ka dib masjidka isbahaysiga shacabka kula hadlay

IMG_5578 IMG_5664 IMG_5699 IMG_5701 IMG_5702 IMG_5707 IMG_5719 IMG_5726 IMG_5843 IMG_5873

Previous Post

Madaxweynaha Uganda oo dhaliilay qaabka ay u howlgalaan ciidamada AMISOM

Next Post

Daawo Sawirrada: Farxadda ay ku ciideen gabdhaha agoonta Boondheere

Next Post
Daawo Sawirrada: Farxadda ay ku ciideen gabdhaha agoonta Boondheere

Daawo Sawirrada: Farxadda ay ku ciideen gabdhaha agoonta Boondheere

Wasiir Fiqi” Kuwa u baahan dhiirigelinta waa Bulshada, idinkuna waxaa tihiin geesiyaal,”

Wasiir Fiqi” Kuwa u baahan dhiirigelinta waa Bulshada, idinkuna waxaa tihiin geesiyaal,”

August 19, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Amb. Ahmed Macallin Fiqi oo kormeeray furimaha dagaalka ka dhanka Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe...

Ciidanka Kumandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 18 ka tirsan Argagixisadda Al-shabaab.

Ciidanka gaarka ah ee Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle.

August 19, 2025
0

Ciidamada Gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle...

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa raadinaysaa shirkado dhismo oo ka qeyb qaata dhismaha Xarunta Hawlaha gurmadka Degdeg ah...

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
0

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In