Wafdi ka socda ururgoboleedka IGAD ayaa la filayaa in uu maanta gaaro magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Ujeeddada wafdiga ayaa la sheegay in ay tahay in ay la kulmaan odayaasha dhaqanka magaalada Beledweyne oo ay kala hadli doonaan maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe .
Maxamed Ibraahim Cabdulaahi Ku simaha gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in wafdiga isla maanta ay gaarayaan magaalada Baladweyne, islamarkaana ay la kulmayaan bulshada gobolka Hiiraan oo ay ugu horeeyaan waxgaradka reer Hiiraan.
Waxa uu sheegay in labada dhinac la filayo in ay ka wada hadlaan hanaanka ugu fudud ee lagu dhisi karo maamulka labada gobal ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.