Xulka kubadda cagta ee dalka Portugal ayaa ku guuleystay koobka qaramada qaaradda Yurub markii ay ka badiyeen dalka tartanka sanadkan martigeliyay ee France.
Ciyaar adag o u dhaxeysay xulalka kubadda cagta wadamada France iyo Portugal oo aheyd mida kama dambeysta ayaa xalay waa ay guusha ku raacday xulka kubadda cagta ee dalka Portugal oo ku badiyay 1-0 kaas oo uu u dhaliyay ciyaaryahan Eder oo bedel ku soo galay ciyaarta.
Goolka guusha ayaa la dhaliyay daqiiqadihii dheeraadka ahaa markii ciyaarta waqtigii loogu talagalay uu ku dhammaaday bilaa goolal, waana markii ugu horeysay oo dalka Portugal oo koobkan qaramada qaaradda Yurub uu ku guuleysto.
Ciyaaryahanka caanka ah ee xulka Portugal iyo kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqadihii hore ee ciyaarta markii uu jilibka dhaawac uu ka soo gaaray, waxaana la arkayay isagoo ilmeynaya.
Guusha xalay ay gaareen xulka wadanka Portugal ayaa waxaa ay Ronaldo uga dhigantahay mid uu kaga sii hormarayo ciyaaryahanka ay kubadda cagta ku xafiiltamaan ee Messi oo u dheela kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argentina maadaama Messi uusan xulkiisa kula guuleysan tartan caalami ah.
Xigasho: Daily mail