Tuesday, November 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka gobolka Bakool oo lagu wareejiyay qalab caafimaad-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Maamulka gobolka Bakool oo lagu wareejiyay qalab caafimaad-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa sidii maamulka gobolka Bakool loogu wareejin lahaa qalabk caafimaad oo loogu tagalay isbitaalka magaalada Xudur kaas oo ay soo dhiibeen jaaliyadda ka soo jeeda gobolkaas oo ku dhaqan dalka Mareykanka, qaaradda Yurub, Australia iyo meelo kale oo caalamka kamid ah isla markaana ay halkan ay soo gaarsiisay hey’adda Arlaadi Aid oo fadhigeedu yahay Mareykanka.

Waxaana kulanka ka qeybgalay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin maamulka koofur galbeed ka tirsan, guddoomiyaha gobolka Bakool iyo xubno kale.

Related posts

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025

Maxamed Macalim Cabdi, oo ka wakiil ahaa hey’adda qalabka caafimaad loo soo dhiibey isla markaana ku wareejisay maamulka gobolka Bakool ayaa sheegay in ka hey’ad ahaan ay guteen amaanadii loo soo dhiibay.

Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall, oo qalabka lagu wareejiyay ayaa u mahadceliyay jaaliyadda iyo hey’adda Arlaadi Aid, isagoo sheegay in ay ugu adeegi doonaan qalabkan dadkii loogu talagalay.

Isagoo sidoo kale u mahadceliyay hey’adda DDG oo gacan ka geystay in qalabkan caafimaad la gaarsiiyo magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaana uu intaa ku daray in hey’addaas mashaariic badan ka fulisay gobolkaas.

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana hadlay kulanka ayaa sheegay in ay jaaliyadda qalabka soo dhiibtey ay mudan yihiin ku dayasho, maadaama ay sameeyeen wax qabad muuqda oo loogu adeegaayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Bakool.

Qalabkan caafimaad ayaa qiimahiisa ka badan yahay 200 kun oo doolar, isla markaana uu ku so aaday waqti ay baahi badan oo dhanka qalabka iyo dawada ay ka jirta, maadaama guud ahaan gobolka Bakool uusan ka jirin isbitaal laga helo adeegyada caafimaadka oo dadka u baahan yihiin.

13652500_756488407826560_1204716377_n 13664864_756488424493225_1477706735_n 13689615_756488964493171_507147635_n 13706305_756489021159832_1066677300_n

Previous Post

Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka oo Qabtay Gaari lagu weerari lahaa mid ka mida Hotelada Muqdisho.

Next Post

Golaha wasiirada oo ka hadlay dardargelinta howlgalada ka dhan ah Al-shabaab

Next Post
Golaha wasiirada oo ka hadlay dardargelinta howlgalada ka dhan ah Al-shabaab

Golaha wasiirada oo ka hadlay dardargelinta howlgalada ka dhan ah Al-shabaab

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirrada Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad uu Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In