Madaxweynaha dalka Mozambique Filipe Nyus ayaaa manta warqaaha aqoonsi safiirnimo ka gadoomay Danjire Jamal Maxamed Barrow oo ah safiirka cusub ee dowladda soomaliya uu so magacwday wadanka Mozambique .
Danjire Jamal Maxamed Barrow ayaa wuxu dhanbaal iyo salaanuu ka siday Madaxweynaha Dowlada fedralka ee Soomaliya mudne Xasan sheikh Maxamuud gudoonsiyay madaxweynaha Filipe Nyus
“Waxaan Salaan iyo dhambaal kaaga wadaa Madaxweynaha Soomaaliya,Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,Dowllada Soomaaliya iyo Shacabka intaba”ayuu yiri Danjire Jamal Barrow
Dhanka kale Madaxweynaha Dalka Mozanbique,Filipe Nyus ayaa sheegay in Dowladiisu ay bilaabi doonto xiriir wanaagsan ay Soomaaliya la yeelato,waxa uu intaasi ku daray in Dowladii Dhexe ee Soomaaliya ay xiriir Ciidan iyo mid Siyaasadeed dalkiisu uu la lahaa.
Dalka Mozambique waxaa ku dhaqan Somaali u badan ganacsato, kuwaas oo ku soo badanayay sanadihii ugu dambeyeeyay.