Ciyaartooy ka kala timid gobollada dalkeena ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan tartanka horuyaalka kubada cagta goballada dalka Soomaliyeed oo maanta ka furmi doono caasimadda dalka ee Muqdisho.
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciyaaraha gobollada dalka ay maanta si rasmi ah uga furmi doonaan garoonka kubbadda cagta ee Banaadir.
Wasiir Nuux ayaa sidoo kale ballanqaday in tartanka kan xiga lagu qaban doono garoonka weyn ee muqdisho oo hadda ah xero ay si ku meel gaar ah ay u daggan yihiin ciidamo katirsan AMISOM
Wasaaradda isboortiga dalka ayaa xustay in ay ku rajo weyn tahay qabashada tartamo intaan ka mug weyn oo ilaa degmooyinka dalkoo dhan ay ka qayb gali doonan
Dhanka kale duqa Muqdisho ayaa sharaxay ahmiyadda maamulka gobolka Banaadir ay ugu fadhiso marti galinta tartan ay ka qayb galayaan maamulada dalka ka jira si loo xoojiyo is dhexgalka bulshada Soomaaliyeed.