Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo la wareegtay maamulka xarumihii Nile Academy

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo la wareegtay maamulka xarumihii Nile Academy
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sadex iskuul iyo isbitaal oo ay Soomaaliya ku la haayeen hey’adda Nile Academy oo lala xiriiriyay ururka dowladda Turkiga ay ku dartay liiska argagaxisada ee uu hogaamiyo wadaadka fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ee Fetullah Gulan ayaa hada waxaa maamulka xarumahaas la wareegay safaaradda Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen diblomaasiyiin.

Dowladda Soomaaliya 16 bishan Luulyo waxaa ay joojisay shaqada hey’adda Nile Academy ay ka wadday Soomaaliya markii hey’adda lagu eedeeyay in ay ku lug laheyd afgembigi dhicsoobay ee 15 bishan ka dhacay dalka Turkiga taas oo ka dambeysay codka ka yimid madaxda Turkiga.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025

Go’aankan ayaa ahaa mid dowladda Soomaaliya ay ku taageereysay xukuumadda Turkiga ee la doortay iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo la isku dayay in xukunka laga qaado.

Waqtigii loo qabtay shaqaalaha hey’adda Nile Academy in ay dalka kaga baxaan ayaa ku ekaa maalintii Sabtida ee la soo dhaafay.

Dugsi hoose oo ay gabdhaha wax ka bartaan, dugsi sare oo sidoo kale gabdhaha ay leeyihiin iyo dugsi sare iyo isbitaal oo ay hey’adda Nile Academy ayaa hadda waxaa maamul ahaan hos tagaan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya taas oo bilaabatay Axaddii shalay, sida ilo muhiim ah ay ku xaqiijiyeen wakaalada wararka ee Anadolu.

Kadib go’aankii dowladda Soomaaliya, 40 ruux oo u shaqeynayay hey’addaas ayaa bilaabay in ay Soomaaliya ka baxaan ayaga iyo qoysaskooda.

Isbitaalka ay hey’adda Nile Academy ay ku laheyd Soomaaliya waa la xirey dhammaan qalabkii yiileyna waxaa lagu wareejiyay isbitaalka weyn ee  EX. DIGFEER.

Sida laga soo xigtay degreeto ka soo baxday madaxweynaha dalka Turkiga oo ay daabacday majaladda Gazette maalintii Sabtiga, dowladda Turkiga waxaa ay xirtay 2,000 xarumood oo lala xiriiriyay kooxdii ka dambeysay afgambigii dhicsoobay ee ka dhacay Turkiga 15 kii bishan Luulyo.

 

Xigasho: Anadolu

Previous Post

Shirka madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya

Next Post

Muslimiinta Nigeria oo soo dhaweeyay in niqaabka loo ogolaaday gabdhaha

Next Post
Muslimiinta Nigeria oo soo dhaweeyay in niqaabka loo ogolaaday gabdhaha

Muslimiinta Nigeria oo soo dhaweeyay in niqaabka loo ogolaaday gabdhaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In