Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo la wareegtay maamulka xarumihii Nile Academy

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo la wareegtay maamulka xarumihii Nile Academy
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sadex iskuul iyo isbitaal oo ay Soomaaliya ku la haayeen hey’adda Nile Academy oo lala xiriiriyay ururka dowladda Turkiga ay ku dartay liiska argagaxisada ee uu hogaamiyo wadaadka fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ee Fetullah Gulan ayaa hada waxaa maamulka xarumahaas la wareegay safaaradda Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen diblomaasiyiin.

Dowladda Soomaaliya 16 bishan Luulyo waxaa ay joojisay shaqada hey’adda Nile Academy ay ka wadday Soomaaliya markii hey’adda lagu eedeeyay in ay ku lug laheyd afgembigi dhicsoobay ee 15 bishan ka dhacay dalka Turkiga taas oo ka dambeysay codka ka yimid madaxda Turkiga.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026

Go’aankan ayaa ahaa mid dowladda Soomaaliya ay ku taageereysay xukuumadda Turkiga ee la doortay iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo la isku dayay in xukunka laga qaado.

Waqtigii loo qabtay shaqaalaha hey’adda Nile Academy in ay dalka kaga baxaan ayaa ku ekaa maalintii Sabtida ee la soo dhaafay.

Dugsi hoose oo ay gabdhaha wax ka bartaan, dugsi sare oo sidoo kale gabdhaha ay leeyihiin iyo dugsi sare iyo isbitaal oo ay hey’adda Nile Academy ayaa hadda waxaa maamul ahaan hos tagaan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya taas oo bilaabatay Axaddii shalay, sida ilo muhiim ah ay ku xaqiijiyeen wakaalada wararka ee Anadolu.

Kadib go’aankii dowladda Soomaaliya, 40 ruux oo u shaqeynayay hey’addaas ayaa bilaabay in ay Soomaaliya ka baxaan ayaga iyo qoysaskooda.

Isbitaalka ay hey’adda Nile Academy ay ku laheyd Soomaaliya waa la xirey dhammaan qalabkii yiileyna waxaa lagu wareejiyay isbitaalka weyn ee  EX. DIGFEER.

Sida laga soo xigtay degreeto ka soo baxday madaxweynaha dalka Turkiga oo ay daabacday majaladda Gazette maalintii Sabtiga, dowladda Turkiga waxaa ay xirtay 2,000 xarumood oo lala xiriiriyay kooxdii ka dambeysay afgambigii dhicsoobay ee ka dhacay Turkiga 15 kii bishan Luulyo.

Xigasho: Anadolu

Previous Post

Shirka madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya

Next Post

Muslimiinta Nigeria oo soo dhaweeyay in niqaabka loo ogolaaday gabdhaha

Next Post
Muslimiinta Nigeria oo soo dhaweeyay in niqaabka loo ogolaaday gabdhaha

Muslimiinta Nigeria oo soo dhaweeyay in niqaabka loo ogolaaday gabdhaha

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In