Saturday, July 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaadka Shabaab oo sheegay in Saalax Badbaado uu fuliyay qaraxyadi shalay ka dhacay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaadka Shabaab oo sheegay in Saalax Badbaado uu fuliyay qaraxyadi shalay ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka maleeshiyaadka Shabaab ayaa baahisay in qaraxyadii shalay ka dhacay nawaaxiga garoonka Aadan Cadde uu fuliyay Ex-xildhibaan Saalax Badbaado oo horay uga tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa ee Somalia isagoo u galay maleeshiyaadka Shabaab sanadkii sanadkii 2010-ki .

Farriin cod ah oo maleeshiyaadka Shabaab ay ka duubeen dhagarqabe Saalax Badbaado ka hor inta uusan fulin qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ayeey baahisay  Idaacada A-Andalus ee ku hadasha afka argagixisada Shabaab.

Related posts

Shirka Wasaaradaha Wax-soo-saarka iyo Dhismaha Guddiyada Farsamo ee Qorsheynta Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Shirka Wasaaradaha Wax-soo-saarka iyo Dhismaha Guddiyada Farsamo ee Qorsheynta Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb

July 18, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya

July 18, 2026

Naftii hallige  Saalax Badbaadow ayaa fariinta uu duubay ku sheegay in uu fulinayo  weeraradii shalay ka dhacay Muqdisho, isagoo dardaaran u diray  maleeshiyaadka Shabaab.

Dhagar qabahan ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed ee dega gobolada waqooyi ee Somaliland iney taageeraan maleeshiyaadka Shabaab, taasoo muujineysa sida dhagarqabahu ugu fogaaday afkaarta qaldan ee xagjirnimada ah oo ku kaliftay in uu shalay isku qarxiyo dad abriya ah oo an waxba galabsan.

Naftii hallige Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) oo ka mid ahaa Baarlamaankii KMG ee dowladii uu madaxweynaha ka ahaa mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa  u goostay maleeshiyaadka shabaab sanadkii 2010-ki tan iyo xiligaasna hadalkiisa lama maqal.

Intii maqashay ismiidaaminti dhaqarqabe Saalax Badbaado ayaa maag gacmaha madaxa saaray, waxeyna tani noqotay arrinta ugu hadalheyska badan ee hareeysay baraha bulshada.

saalax-badbaado

Previous Post

Xisbiga Dimuquraaddiga oo Hillary Clinton xalay u caleemasaaray musharaxa madaxweynaha Mareykanka+Sawirro

Next Post

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo loo magacaabay taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Next Post
Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo loo magacaabay taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo loo magacaabay taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Shirka Wasaaradaha Wax-soo-saarka iyo Dhismaha Guddiyada Farsamo ee Qorsheynta Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Shirka Wasaaradaha Wax-soo-saarka iyo Dhismaha Guddiyada Farsamo ee Qorsheynta Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb

July 18, 2026
0

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka...

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya

July 18, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan la-qaatay Taliyaha Howlgallada Dowladda UK ee Soomaaliya, Colonel Andy...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Gobalka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Gobalka Hiiraan

July 18, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa xalay fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Khawaarijta...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho ee Degmooyinka Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Baydhabo

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho ee Degmooyinka Koonfur Galbeed oo lagu qabtay Baydhabo

July 18, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi, oo socdaal shaqo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In