Monday, October 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: Ciyaaraha waxay gacan ka geystaan dib u heshiisiinta iyo is-dhexgalka bulshada

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo la kulmay Suxufiyiinta Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in qabsoomidda cayaarihii dowlad goboleedyada ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ay muujinayaan horumarka laga gaarey dib u heshiisiinta, nabadda iyo is-dhexgalka bulshada.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad casho sharaf ah oo xalay xarunta gobolka Banaadir loogu sameeyay dhammaan cayaartoydii ka qeybgashey ciyaarihii dowlad goboleedyada ee Muqdisho ka dhacay.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

October 27, 2025
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

October 27, 2025

“Ciyaarahan dhowaan la soo gabagabeeyay waxay ahaayeen kuwo ka tarjumaya qiimaha nabadda iyo is dhexgalka bulshada. Cadowga argagixisada waxay isku dayeen maalintii ciyaarahan la soo gabagabeynayey inay shacabka cabsi ku abuuraan iyagoo geystey weerar waxashnimo, balse taasi inagama hor istaagin inaan hawsheena sii wadano. Dalkeena horey ayuu u sii socdaa, dibna u laaban mayno, waana inuu sidaa ogaadaa cadowga’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn kula dardaarmey cayaartoyda ka kala yimid dowlad goboleedyada kala duwan ee ka qeybgaley tartanka inay fariin nabadeed gaarsiiyaan goobaha ay ka kala yimaadeen, isagoo sidoo kalena u hambalyeeyay kooxihii guulaha ka soo hoyey tartankan.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeybgaley xubno ka tirsan labada gole, xubno ka socotey dowlad goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin kale.

 

Previous Post

Al-shabaab oo burburiyay isgaarsiinta deegaanka  Lafey ee Kenya

Next Post

Daawo Sawirrada Dhalinyaro cusub oo waxbartay oo ku biiray ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Next Post
Daawo Sawirrada Dhalinyaro cusub oo waxbartay oo ku biiray ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Daawo Sawirrada Dhalinyaro cusub oo waxbartay oo ku biiray ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho laba maalmood ah ku jooga magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda

October 27, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalmood...

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada :Dhamaadka sanadkan 2025 ayaa dalka ka howlgelaysa diyaaradda Somali Airlines”

October 27, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax, ayaa sheegay in dhammaadka sanadkan 2025 ay dalka dib...

African Journalists Explore China’s Development Landscape to Experience its Growth

African Journalists Explore China’s Development Landscape to Experience its Growth

October 27, 2025
0

BEIJING/TIANJIN – A delegation of nearly 20 journalists from diverse African nations has concluded an immersive five-day educational and cultural...

Bulshada degmada Cadale oo saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod

Bulshada degmada Cadale oo saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod

October 26, 2025
0

RADIO MUQDISHO(CADALE):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe ka daahfuray ololaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In