Saturday, August 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: Ciyaaraha waxay gacan ka geystaan dib u heshiisiinta iyo is-dhexgalka bulshada

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo la kulmay Suxufiyiinta Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in qabsoomidda cayaarihii dowlad goboleedyada ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ay muujinayaan horumarka laga gaarey dib u heshiisiinta, nabadda iyo is-dhexgalka bulshada.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad casho sharaf ah oo xalay xarunta gobolka Banaadir loogu sameeyay dhammaan cayaartoydii ka qeybgashey ciyaarihii dowlad goboleedyada ee Muqdisho ka dhacay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

August 1, 2026
Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

August 1, 2026

“Ciyaarahan dhowaan la soo gabagabeeyay waxay ahaayeen kuwo ka tarjumaya qiimaha nabadda iyo is dhexgalka bulshada. Cadowga argagixisada waxay isku dayeen maalintii ciyaarahan la soo gabagabeynayey inay shacabka cabsi ku abuuraan iyagoo geystey weerar waxashnimo, balse taasi inagama hor istaagin inaan hawsheena sii wadano. Dalkeena horey ayuu u sii socdaa, dibna u laaban mayno, waana inuu sidaa ogaadaa cadowga’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn kula dardaarmey cayaartoyda ka kala yimid dowlad goboleedyada kala duwan ee ka qeybgaley tartanka inay fariin nabadeed gaarsiiyaan goobaha ay ka kala yimaadeen, isagoo sidoo kalena u hambalyeeyay kooxihii guulaha ka soo hoyey tartankan.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeybgaley xubno ka tirsan labada gole, xubno ka socotey dowlad goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Previous Post

Al-shabaab oo burburiyay isgaarsiinta deegaanka  Lafey ee Kenya

Next Post

Daawo Sawirrada Dhalinyaro cusub oo waxbartay oo ku biiray ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Next Post
Daawo Sawirrada Dhalinyaro cusub oo waxbartay oo ku biiray ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Daawo Sawirrada Dhalinyaro cusub oo waxbartay oo ku biiray ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da August

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u direy bulshada deegaanada Puntland & Maamulkaba sanad guuradda...

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

Shir-madaxeedkii dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KAMPALA):-Shir Madaxeedkii gaarka ahaa ee dalalka ciidamada ku taageera hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ka qabsoomay magaalada...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar lagu qaaday deked ku taalla Masar

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkii argagixiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ee...

Soomaaliya oo shir heer caalami ah kaga qayb gashay dalka Libya

Soomaaliya oo shir heer caalami ah kaga qayb gashay dalka Libya

August 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LIBYA):-Wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo uu hoggaaminayo Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamed Haaruun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In