Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Puntland oo la kulmay dad qurbe joog ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Madaxweynaha Puntland oo la kulmay dad qurbe joog ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”, iyo ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar “Camey” ayaa magaalada Garowe shir kula kulmay qurbe joogta Puntland.

Ujeedada shirka ayaa la xiriirey sidii ay u kala war qaadan lahaayeen qurbe joogta iyo maamulka isla markaana ay talooyinkooda la xiriira is kaashiga horumarka dalka ugu soo gudbin lahaayeen maamulkaasi.

Related posts

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

January 7, 2026
Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026

Madaxweynaha Puntland oo shirkaasi ka hadlay ayaa qurbe joogta ku ammaanay doorkooda horumarineed ee ay dalka ka geystaan isla markaana waxa uu tilmaamay in looga baahan yahay  in ay ka qayb qaataan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Dr. C/weli Gaas ayaa ku boorriyey qurbe joogta Puntland in ay maal-gashadaan dalka kana qayb qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka, isla markaana ay waddanka kusoo kordhiyaan warshado wax soo saara si kor loogu qaado ganacsiga dalka.

Qurbe joogta ayaa Madaxweynaha weydiiyey su’aalo la xiriira shuruucda iibka dhulka, shuruucda baabuurta iyo waddooyinka, Garoomada diyaaradaha, qandaraasyada iyo habka ugu wanaagsan ee ay door ugu yeelan karaan ka qayb qaadashada horumarka dalka, iyadoo madaxweyne Gaas ka jawaabey dhammaan weydiimahaasi.

gaas-qurba-joog-1 gaas-qurba-joog-2 gaas-qurba-joog-4 gaas-qurba-joog-5 gaas-qurba-joog-6 gaas-qurba-joog-7 gaas-qurba-joog-8 gaas-qurba-joog-9 gaas-qurba-joog-10 gaas-qurba-joog-11 gaas-qurba-joog-12 gaas-qurba-joog-13 gaas-qurba-joog-14

Previous Post

Daawo Sawirrada: Banaanbax looga soo horjeeday ciidamada shisheeye oo ka dhacay Bujumbura

Next Post

Dhageyso warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Subax ee Radio Muqdisho

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

January 7, 2026
0

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo ay ka qeybgalayaan boqolaal qof oo ka kala yimid qeybaha bulshada,...

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In