Dhaqaalaha dalka Turkiga uu ka xoogan yahay sidii uu ahaa ka hor isku daygii afgambi ee fashilmay, sida uu sheegay Ra’iisul wasaare Binali Yildirim.
“Dhaqaalaheena wali waa mid taagan sida dhagax oo kale. Ma jirto xataa wax yar oo qalqal ah. Laakiin xaaladan waxaa ay saameysay dhinacyo badan,” ayuu yiri Yildirim xilli uu ka hadlayay shir lagu qabtay magaalada Ankara.
Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga ayaa sheegay in kuwa isku dayay inay qalqalgeliy dhaqaalaha dalka Turkiga ay go’aansadeen in ay hoos u dhigaan dhaqaalaha wadanka Turkiga.
“Dimoqraadiydeena iyo sharciga wadanka sidoo kale waa mid xoogan ka hor isku daygii afgambi,” ayuu yiri markale.
Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga ayaa hey’adda fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ku eedeyay in ay si ula kac ah hoos ugu dhigtay heerka dhaqaalaha wadanka Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa isku dayaysa in ay soo celiso nidaamka wadankaas kadib isku daygii afgambi oo 15 bishan Luulyo ka dhacay Turkiga, kaas oo madaxweynaha Turkiga uu ku eedeyay in ay uu ka dambeeyay wadaadka fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ee Fathula Gulan.