Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dalka Uganda oo qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM isla markaana lagu soo eedeyay in uu ku guul dareystay in uu difaaco askartii uu taliyaha u ahaa xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha hoose oo ay Al-shabaab weerareen taas oo sababtay in ay dhintaan 19 oo ciidankaas ah ayaa maxkamad la hor geeyay isagoo lagu eedeeyay in uu gudan waayay waajibkiisa.
Korneel Bosco Mutumbi oo da’diisu tahay 50 sano jir kaas oo ahaa taliyihiin qeybta Janaale heystay oo loo yaqaanay “kooxda 16” ayaa la sheegay in uu iska dhaga tirey warar sir ah oo uu heley kaas oo sheegayay in Al-shabaab ku taamayso in ay weerar ku soo qaato Janaale.
Dacwad ooge Raphael Mugisha ayaa sheegay in Mr Mutumbi loo heysto labo dambi ah oo kala ah; xil gudasho la’aan oo keentay in ay dhintaan qaar kamid ah saraakiisha ciidanka iyo in uu ku guuldareystay in uu si waafi ay isugu duba rido howlgalada ka dhan ah Al-shabaab.
Mr. Mugisha ayaa maxkamadda u sheegay in ninka lagu magacaabo Mutumbi intii u dhexeysay bilaha Juun iyo September ee sanadkii 2015 ay ahaayeen ciidanka Janaale joogay ah ahaayeen kuwo u nugul in ay Al-shabaab weeraraan, hase yeeshee isaga uu ku guul dareystay in uu halkaas ka raro ciidanka.
Eedeyaha kale, oo sarkaalkan loo heysto ayaa ah in uu ilaalin wayay qalabkii ciidanka oo kamid ahaayeen hub, rasaas iyo askartii taas oo keentay in Al-shabaab qaataan isla markaana tiro kamid ah askarta Uganda halkaas lagu laayay, waxaana weerarkaas uu dhacay 1 bishii Semtember ee sanadkii hore.
Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa weerarkaas kadib amray in la soo xiro taliyihii ciidanka Uganda ee ka howlgalayay Janaale isaga iyo saraakiil kale.
Yuweri Museveni oo ah madaxweynaha dalka Uganda ayaa la sheegay in uu la yaaban yahay sababta ciidanka ay u raaci waayeen hanaanka howlgalineed oo loo dejiyay howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.