Saturday, June 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliye AMISOM ka tirsanaa oo Uganda lagu maxkamadeynaayo

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Taliye AMISOM ka tirsanaa oo Uganda lagu maxkamadeynaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dalka Uganda oo qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM  isla markaana lagu soo eedeyay in uu ku guul dareystay in uu difaaco askartii uu taliyaha u ahaa xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha hoose oo ay Al-shabaab weerareen taas oo sababtay in ay dhintaan 19 oo ciidankaas ah ayaa maxkamad la hor geeyay isagoo lagu eedeeyay in uu gudan waayay waajibkiisa.

Korneel Bosco Mutumbi oo da’diisu tahay 50 sano jir kaas oo ahaa taliyihiin qeybta Janaale heystay oo loo yaqaanay “kooxda 16” ayaa la sheegay in uu iska dhaga tirey warar sir ah oo uu heley kaas oo sheegayay in Al-shabaab ku taamayso in ay weerar ku soo qaato Janaale.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Dacwad ooge Raphael Mugisha ayaa sheegay in Mr Mutumbi loo heysto labo dambi ah oo kala ah; xil gudasho la’aan oo keentay in ay dhintaan qaar kamid ah saraakiisha ciidanka iyo in uu ku guuldareystay in uu si waafi ay isugu duba rido howlgalada ka dhan ah Al-shabaab.

Mr. Mugisha ayaa maxkamadda u sheegay in ninka lagu magacaabo Mutumbi intii u dhexeysay bilaha Juun iyo September ee sanadkii 2015 ay ahaayeen ciidanka Janaale joogay ah ahaayeen kuwo u nugul in ay Al-shabaab weeraraan, hase yeeshee isaga uu ku guul dareystay in uu halkaas ka raro ciidanka.

Eedeyaha kale, oo sarkaalkan loo heysto ayaa ah in uu ilaalin wayay qalabkii ciidanka oo kamid ahaayeen hub, rasaas iyo askartii taas oo keentay in Al-shabaab qaataan isla markaana tiro kamid ah askarta Uganda halkaas lagu laayay, waxaana weerarkaas uu dhacay 1 bishii Semtember ee sanadkii hore.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa weerarkaas kadib amray in la soo xiro taliyihii ciidanka Uganda ee ka howlgalayay Janaale isaga iyo saraakiil kale.

Yuweri Museveni oo ah madaxweynaha dalka Uganda ayaa la sheegay in uu la yaaban yahay sababta ciidanka ay u raaci waayeen hanaanka howlgalineed oo loo dejiyay howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

 

Previous Post

Ciidamo katirsan Amisom oo maxkamadayntooda ay Muqdisho ka socoto

Next Post

Buug ka hadlaya dhismaha waddooyinka oo wasaaradda howlaha guud soo bandhigtay-Sawirro

Next Post
Buug ka hadlaya dhismaha waddooyinka oo  wasaaradda howlaha guud soo bandhigtay-Sawirro

Buug ka hadlaya dhismaha waddooyinka oo wasaaradda howlaha guud soo bandhigtay-Sawirro

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In