Friday, August 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shaqadii Kastamka canshuuraha dekedda Boosaaso oo laga dhigay 24-saac+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 5, 2016
in Wararka
0
Shaqadii Kastamka canshuuraha dekedda Boosaaso oo laga dhigay 24-saac+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Puntland  Axmed Yaasiin Saalax  oo shir Jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ee Dekedda Boosaaso ayaa sheegay in  shaqadii kastomka Cashuuraha ee dekedda Boosaaso laga dhigay 24 Saac si loogu fududeeyo ganacsatada inay alaabooyinkooda ay kala degaan  dekedda Boosaaso.

Shirkan jaraa’id oo uu wasiirka ku weheliyay Maamule k/xigeenka dekedda Boosaaso Dhagaxtuur ayay sheegeen in shaqo kordhinta kastamka Dekedda ay ka dabmaysay kaddib markii Maraakiib tiro badan iyo doonyo is biirsaday oo ay dib u dhigeen dabaylihii dhacayay xiliga xagaagu ay ku soo wajahayihiin, qaybtooda ay ku xiran yihiin dekeda Boosaaso.

Related posts

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025

Maamule K/xigeenka Dekedda oo ugu horrayn hadlay ayaa sheegay in shaqadii kastamka ay gaarsiiyeen ilaa 10 habeenimo si ay ugu adeegaan  Ganacsatadda, waxaana uu sheegay in maraakiibtii marka hore ku degi jirtay 5 maalmood, hadda ay ku degaan labo maalmood oo qura.

“ Shaqadii dekeda Boosaaso waa la bilaabnay, maraakiib ayaa soo wajahan, shaqadii dekeduna waxay u badatay maraakiib, waxaanuna go’aansanay inaanu u shaqayno ilaa 10 fiidnimo, shaqadii xiligii la qaban jiray 24 saac aanu ka dhigno si aan u dedajino shaqadii maraakiibta, anagoo baakinga maraakibitu nagu yar yahay awgeed” ayuu yiri Dhagax tuur

Wasiir K/xigeenka maaliyadda maamulka Puntland Axmed Yaasiin Saalax oo safar shaqo ku yimid Boosaaso ayaa sheegay in wasaarada maaliyadda iyo ganacsatadu ay xiriir wanaagsan leeyihiin, waxaana suu sheegay in go’aanka lagu kordhiyay shaqada kastama cashuuraha uu yahay go’aan ka soo baxay madaxda sare ee Wasaaradda, si ay ula qaybsadaa culayska haysta ganacsatada Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed.

“ Annagu waxaanu had iyo jeer la qaybsaynaa  culayska ganacsatada iyo bulshadda, in baahidooda la daboolo, oo marka gaadiid tiro badan yimaado, waxaanu heegan u nahay inaanu 24 saac shaqayno, go’aankaasi waa mid aanu ku qaadanay inaanu u fududayno ganacsatada” ayuu yiri Wasiirku

Wasiirku wuxuu   tilmaamay in cashuurtu ay tahay lafdhabarta dowlanimadda, wuxuuna  uu uga digay   ganacsatadda inay la baxdaan cashuuraha,  Wuxuu sheegay inay shuruuc iyo awaamiir cusub ka soo saareen dadka cashuurta musumaasuqa.

“ Waxaanu faraynaa ganacsatadda inay ku dadaalaan bixinta cashuuraha, oo aysan isku dayin dhinaca musuqmaasuqa iyo shaqsiga doonaya in cashuurta dowladda dhaafsiisto wax yar oo isku day ah, shaqaduna hadda waa ka bedelan tahay sidii hore, shuruuca iyo awaamiir farabadan ayaa laga soo saaray qofkuu isku daya inuu cashuurta la garab maro  goobta loogu talagalay

Wasiirku  wuxuu kaloo uu sheegay inay wasaaradu ay dib u eegis ku samayn doonto cashuuraha berriga oo isugu jirta labo dhinaca oo ah wanaagii, u dhimrintii shacabka puntland iyo dhinaca kale in la Saxo tariifooin khaldan oo aanu doonayno inaanu saxno.

Dekedda magaaladda Boosaaso oo ah isha dakhli ee ugu weyn Puntland oo xiligii xagaaga ay hoos u dhaceen Maraakiibta iyo doonyaha shixnadaha u sida ganacsatada ee ku soo xirta ayaa maalmahan waxaa laga dareemayaa mashaquul aad u badan, iyadoo markaabii iyo doonyo tiro badan ay ku soo fool leeyihiin , qaarkoodna ay sugayaan in laga dejiyo shixnadaha ay wadaan.

1 2 3 4unnamed

Previous Post

Daawo Sawirrada: Taliyayaasha XDS iyo AMISOM oo ka shiray Howlgal kadhan ah Al-Shabaab

Next Post

Maxkamad ku taalla Turkiga oo amartay in la soo xiro Fethullah Gülen

Next Post
Maxkamad ku taalla Turkiga oo amartay in la soo xiro Fethullah Gülen

Maxkamad ku taalla Turkiga oo amartay in la soo xiro Fethullah Gülen

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

Soomaaliya iyo Japan oo xoojinaya iskaashiga horumarineed

August 22, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama kulamo miro-dhal ah kula yeeshay...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

Wasiiru Dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku baaqay in loo midoobo khawaarijta

August 22, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Gaani oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbibixay qorshaha Xukuumadda...

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

Bandhigga Buugga Dowlad-dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+SAWIRRO

August 22, 2025
0

Munaasabad lagu daahfuray Buugga lagu magacaabo Dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho, Waxaana ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Qeybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In