Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa magalada Baydhabo kusoo xiray shirka golaha wadatashiga Dowladaha Hoose ee Wadajir oo muddo afar cisho ah ka socday magaalada Baydhabo, kadib markii uu socdaal shaqo ku tegay maanta, kaasi oo uu ku wehlinayay Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Prof Yaxye Cali Ibraahim.
Xafladda xirtaanka shirka waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Wasiirada Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada, iyagoo sheegay in ay ku farxsanyihiin inay soo saaraan qodobo muhiim ah.
Qodobada shirka ka soo baxay waxaa ka mid ah in Guddiga farsamada ee sameynta Goleyaasha Dowladaha Hoose ee heer maamul goboleed iyo Qorshe howleedkooda, In goluhu uu dajiyay, isla markaana ansixiyay jadwalka geeddi socodka dib-u-heshiisiinta iyo dhisidda goloyaasha dowladaha Hoose, in la sameeyo xarun lagu mideysanyahay oo qaabilsan kormeerka iyo qiimeynta howlaha wadajirka ah ee fududeynaya isla xisaabtanka, waxa sidoo kale la isku raacay kala horeynta hanaanka loo marayo dhisidda goloyaasha deegaanka iyo dib u heshiisiinta bulsahda degmooyinka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ugu dambayn soo xiray shirka, isgoo uga mahad celiyay Maamulka Koofur Galbeed ee marti loo yahay hab Maamuska ay usoo dhaweyeen Maamulada kale.