Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawo Sawirrada: Furitaanka xarunta gabdhaha agoonta Boondheere ee sanad dugsiyeedka 2016/17

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Dawo Sawirrada: Furitaanka xarunta gabdhaha agoonta Boondheere ee sanad dugsiyeedka 2016/17
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad lagu maamuusayay furitaanka xarunta agoonta gabdhaha Boondheere ee sanad dugsiyeedka 2016/17, iyo sanadguuradii Afaraad ee ka soo wareegtay aas aaskii xaruntaasi ayaa maanta lagu qabtay dhismaha cusub ee xaruntaasi ku leedahay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha degmada Boondheere, mas’uuliyiin ka tirsan bahda waxbarashada, waaliddiin iyo marti sharaf kala duwan.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

December 16, 2025

Ubaxa xarunta agoonta gabdhaha Boondheere ayaa halkaasi ku soo bandhigay Riwaayad iyo heeso ka hadlaya qiimaha waxbarashada iyo waddaniyadda, taasoo ay si weyn ugu riyaaqeen dadkii ka qeybgalay xafladaasi.

Maamulaha xarunta agoonta gabdhaha Boondheere Marwo Nuurto Maxamed Caddoow oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in xafladan ay tahay furitaanka sanad dugsiyeedka 2016/17 iyo xuska sanadguuradii afaraad ee ka soo wareegtay aas aaskii xaruntaasi.

Marwo Nuurto ayaa si kooban uga hadashay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay xaruntaasi,  laga soo billaabo aas aaskeedi ilaa iyo hadda, waxeyna ku ammaantay waalidiinta iyo maamulka degmada Boondheere wada shaqenta wanaagsan oo ay muujiyeen.

Gudoomiyaha degmada Boondheere Qaasin C/llaahi ayaa si weyn ugu ammaanay maamulaha xaruntaasi marwo Nuurto Maxamed Caddoow sida ay ugu dhabar adeeygtay daryeelka iyo waxbaraddi gabdhaha agoonta ah ee ku jira xaruntaasi, isagoo xusay in degmada Boondheere ay noqotay degmada kaliye oo leh xarun lagu xanaaneeyo gabdhaha agoonta ah.

Ugu dambeynti gudoomiyaha Boondheere iyo maamulaha xaruntaasi ayaa si wadajir ah abaalmarino u gudoonsiiyay gabdho ku guuleeystay xifdinta qur’aanka kariimka ah iyo kuwo kaalimaha hore ka galay maaddooyinka kale iyo akhlaaq wanaagga.

IMG_3805 IMG_3811 IMG_3813 IMG_3815 IMG_3808 IMG_3853 IMG_3856 IMG_3844 IMG_3835 IMG_3842 IMG_3861 IMG_3863 IMG_3876 IMG_3882 IMG_3886 IMG_3892 IMG_3891 IMG_3846 IMG_3893 IMG_3873 IMG_3826 IMG_3828 IMG_3829

 

 

 

 

Previous Post

Siminaar ku saabsan daryeelka Af-Soomaaliga oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha JFS oo wafdi ka socda Jarmalka uga waramay hawlaha doorashada+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha JFS oo wafdi ka socda Jarmalka uga waramay hawlaha doorashada+Sawirro

Madaxweynaha JFS oo wafdi ka socda Jarmalka uga waramay hawlaha doorashada+Sawirro

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

December 16, 2025
0

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u daahfuray tababar ballaaran oo loo qabanayo in ka badan 4,000 oo...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

December 16, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mohamed Farah Nuux, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka...

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In