Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IMF oo amaantay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
IMF oo amaantay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya ayaa mudateysatay in ay hey’adda IMF iyo kuwo kale ee caalamka oo amaahda bixiya ay tageeraan, kadib markii isbedel lagu sameeyay hanaanka maaliyadda dalka isla markaana la sameeyay mashaariic dib loogu dhisayo wadanka Soomaaliya, sidaa waxaa sheegay mas’uul ka tirsan heyadda lacagta aduunka IMF.

Barwaaqo iyo nabadda ayaa ka soo bidhaameysa Soomaaliya kadib in ka badan 20 sano oo rabshado iyo dagaalo sokeeye ay ka dhacayeen Soomaaliya markii dhowaan dalku go’aansaday in 30 Oct uu doorto madaxweyne cusub, Samba Thiam kamid ah hey’adda IMF oo Email kula hadlay khubaro Soomaaliya kala shaqeysa dib u soo kabashada dhaqaalaha ayaa sidaa sheegay.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

“Horumarka ilaa iyo hadda la sameeyay ayaa waxaa kamid ah sharciga maalgashiga, sharciga dejinta heshiisyada, qaabeynta maaliyadda guud ee wadanka iyo sharciga ka hortagga lacagaha la been abuuro,” ayuu  yiri Thiam. “ Hadii qorshahan dowladdu sidaas ay u dhaqan galaan Soomaaliya waxaa ay IMF ka caawin doontaa galaangalka dhanka maaliyadda.

Hey’adda  IMF iyo Bankiga aduunka (World Bank) ayaa Soomaaliya  ka gacansiiya isbedelada lagu sameynaayo qeybaha kala duwan ee ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka kaas oo soo jeedasho leh ,” ayuu yiri Thiam. Wadamada daneeya Soomaaliya Waxaa ay ku bixiyeen lacag dhan $10 million oo lagu horumarinyay xirfadaha.

IMF ayaa sidoo kale, qorsheysay in Bankiga dhexe ee dalka ka caawiso in uu soo daabaco lacago cusub sanadka 2017 , Bankigu  waxaa uu hadda ku jiraa wajigii ugu dambeeyay oo deeqbixiyeyaasha ku hubineyaan sida isbedelka lagu sameeyay uu u noqday  mid lagu kalsoonaan karo, sidaa waxaa sheegay guddoomiyaha Bankiga Bashir Ciise Cali.

Dhaqaalaha Soomaaliya waxaa uu kordheyaa 3.7 % sanadkan iyo kii la soo dhaafay, qiimeyn ay sameysay hey’ada IMF waxaa ay ku sheegtay in dhaqaalaha uu sii kordhi doono haddii la adkeeyo amniga lana xoojiyo dowladnimada isla markaana wax soo saarka beeraha xooga la saaro, sidaas waxaa sheegay guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka.

“Hanaanka siyaasadda dalka waa mid socda oo qof kastana saameyn wanaagsan ku leh,” yuu yiri guddoomiyaha. “ Dhibaatadeena ma ahan dhaqaale la’aan ee waa nabadda.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in wax soo saarka shidaalka iyo gaas uu bilaaban doono sanadkan 2020 kadib sahmintii lagu sameeyay oo muujisay baaxadda kheyraadkaas.

Hey’adaha dowaliga iyo baarlamaan wax tar leh isla markaana awood u leh in ay galaan wada xaajood heshiis oo ku saabsan gaaska iyo shidaalka kale ayaa ahmiyad weyn u leh Soomaaliya ka hor inta aan la soo saarin ogolaanshaha ayuu mar kale yiri  Thiam.

“Sharciyo aan mad madow ku jirin, ayaan taageerada beesha caalamka u aragnaa in ay tahay mid xiiso u leh wax soo saarta gaaska iyo shidaalka kadib doorashada,”  ayuu hadalkiisa ku soo gabagebeeyay.

Xigasho: bloomberg

Previous Post

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Burburiyay Ceelal dadka Shacabka ah Biyaha ka cabi jireen

Next Post

Shir looga hadlayay dhiirigelinta ganacsiga haweenka oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Next Post
Shir looga hadlayay dhiirigelinta ganacsiga haweenka oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Shir looga hadlayay dhiirigelinta ganacsiga haweenka oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In