Gudoomiyaha degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe ayaa maanta xarigga ka jaray suuq laga hirgeliyay magaalada Warshiikh.
Munaasabaddi lagu furayay suuqaasi waxaa goob joog ka ahaa qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka degmada iyo saraakiil ka tirsan AMISOM oo ku sugan degmada Warshiikh.
Qarashka ku baxay dhismaha suuqan waxaa gacan weyn ka geystay golaha qaxootiga ee Denmark ama DRC, waxaana dhismihiisa uu yimid kadib markii bulshada Warshiikh ay muujiyeen muhiimada uu u leeyahay suuq ay ka faaiideystaan, maadaama mudooyinkii dambe degmadu ay samaynaysay horumar wanaagsan.
Gudoomiyaha degmada Warshiikh Axmed Xuseen (Shiidka) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha suuqan uu qeyb ka yahay mashaariic kala duwan oo DRC ay ka fulineyso tuulooyinka hoostaga degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe.
โWaxa uu qeyb ka yahay in kabadan 20-mashruuc oo DRC ay ka fulineyso Warshiikh iyo deeganada ku dhow, kuwa kalena wey noo harsan yihiinโ ayuu yiri
Qaar kamid ah shacabka kunool dagmada Warshiikh ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa DRC ku amaanay sida ay uga jwaabtay baahidooda, iyagoo mahad celin u jeediyey.
Labadii sano ee ugu dambeysay degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe waxaa laga dareemayey horumar dhinacyo badan leh oo uu ka mid yahay ganacsiga.