Thursday, May 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-murtiyeedka shirka Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed (GSDIC) 2016+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 17, 2016
in Wararka
0
War-murtiyeedka shirka Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed (GSDIC) 2016+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa ku qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho shir caalami ah 13 – 15 ka August 2016.

Shirka ayaa ka dhacay Huteelka Jazeera, waxaana ka soo qeybgalay xubno door muhiim ah ku dhex leh bulshadda Soomaaliyeed ee Qurbajoogta iyo kuwa dalka gudahiisa ku nool. Xubno ka socday dowladda, iyo shirkaddaha ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa iguna ka soo qeyb-galay.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo  shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

May 14, 2025
Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025

Shirka ayaa looga hadlay mawduucyo badan oo kala duwan, waxaana ka hadlay bahwadaagta Qurbajoogta. Shirka ayaa waxaa furay Mudane, Dr. Abdusaalam Hadliye Cumar, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, Abdiraxmaan caynte iyo ergeyga gaar ah ee xoghaya Qaramada midoobay ee Soomaaliya, Micheal Keating, waxaana soo xiray Madaxweynaha DFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa waxaa hadalo waxtar leh ka jeediyay howladeeno sar sare oo ka tirsan hey’addaha dowliga ah kuwa an dowliga aheyn iyo xubno ka tirsan Qurbajoogta oo labadaba la shaqeeya kuwaas oo khibradahooda dhanka horumarinta, nabadda iyo dib u heshisiinta la wadaagay ergadda shirka.

Kaddib markii la wadaagay afkaaro iyo aqoon isweydaarsi ku saabsan mawduucyo badan waxaan:

Boogaadin: Waxaa GSD lagu bogaadinayaa ku qabashadda shirkan tariikhiga ah ee guusha ku soo dhamaaday laguna qabtay Muqdisho, Soomaaliya

Waxan qiraynaa: Dadaalka iyo juhdiga dhammaan xubnaha ka soo qeybgalay shirkan, ee suurtagaliyey inuu guul ku dhamaado, oo ay ku jiraan shirkaddaha tageeray shirka oo ay ka mid yihiin kuwa gudaha iyo dibadda.

Waxaan soo dhaweynaynaa: Wadatashiga iyo go’aamadda faa’iidadda leh ee ka soo baxay shirka ee ku saabsanaa qeybo badan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin, xawaaladaha, maalgashiga qurbajoogta ee dalka, tayeynta doorka qurbajoogta dalalka ay ku noolyihiin, horumarinta sawirka Qurbajoogta Soomaaliyeed, luuqadda iyo dhaqanka.

Gubaabin: Waxaan ku gubaabinaynaa dhammaan ka soo qeybgalayaasha iyo  bahwadaagta kale inay fuliyaan himilooyinka la hiigsanayo, ayna sii wadaan dhisidda iyo isku xirkooda si loo gaaro iskaashi horumarsan.

Talo soo jeedin: Waxan talo ku soo jeedinayaa in la joogteeyo kulamadda si loo fuliyo natiijoyinka ka soo baxay shirka gudaha dalka iyo dibaddaba.

Waxan ku cel-celinaynaa: Muhiimiyadda ay leedahay dardargalinta wadahadalka iyo wax-wada qabsiga Qurbajoogta iyo walaalaha Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku nool si loo gaaro horumar qaran oo la taaban karo.

Xawaaladaha:

Waxan bogaadineynaa dadaalka Qurbajoogta ee u qidmeynta qoysaskooda iyo bulshadda.

Waxan Qiraynaa: Muhiimiyadda xawaaladaha ee horumarinta Soomaaliya.

Waxan hoosta iskala xariiqaynaa: Kaalinta lagama maarmaanka ah ee qeybta Xawaaladaha Soomaaliyeed ay ka qataan isku xirka qoysaskooda Soomaaliyeed iyo hore u dhaqaajinta iyo dib-u-dhiska dhaqaalaha Soomaaliya.

Waxan talo ku soo jedinaynaa: In Cilmi baaris dheeri ah lagu sameeyo dib-u-habeynta xawaaladaha, si looga dhigo dhaqaajyayaasha agabka maalgashiga bulshadda iyo horumarinta.

Qeybta maalgashiga:

Waxan ku bogaadinaynaa bulshadda ganacsatadda Soomaaliyeed, kuwaas oo tageero nagu siiyay qabsoomidda shirka.

Waxan Qiraynaa: Dadaaladda iyo juhdiga bulshadda ganacsatadda kala duwan, kuwaas oo adeegyo lagama marmaan ah siiya dadka Soomaaliyeed, xiliyadii la soo dhaafay ee ugu adkaa iyo haddaba.

Waxan qiraynaa: Muhiimiyadda maalgashiga qurbajoogta Soomaaliyeed ee hadda iyo mustaqbalkaba ee horumarinta ummada Soomaaliyeed iyo Soomaaliya.

Waxan bogadinaynaa: Qurbajoogta Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabtay dalka si ay u maalgashtaan, gaar ahaan adeegyadda bulsho ee aadka loogu baahan yahay ee ay ka midka yihiin, waxabarashadda iyo caafimaadka.

Waxan hoosta iska xariiqnay: Dadaaladda la taaban karo ee dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saabsan dhiirigalinta maalgashiga dalkeena.

Waxan ku cel-celinaynaa: Muhiimiyadda ay leedahay isku-xidhka fursadaha maalgashiga ee Soomaaliya ee ka dhaxeysa Soomaalidda iyo dadyowga kale ee wada shaqeyntu kala dhaxeysa ee caalamka oo dhan. Iyadoo midaas la amba qaadayo, waxan u hambalyeynaynaa wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhiirigalinta maalgashiga Soomaaliya suurtagalinta SomInvest Portal, oo ah meel laga heli karo warbixinada maalgashiga dalka ku saaabsan.

Waxan talo ku soo jeedinaynaa: Dowladda federaalka Soomaaliya inay dardargaliso suurtaglinta helidda warxbino, tallo iyo fursado si loola macaalimo hey’adaha dowliga ah ee arrimaha fursadaha maalgashiga, sharciyadda iyo siyaasadaha dowladda si ay uga faa’ideystaan maalgaliyaayasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Waxan ku guubaabineynaa: In Qurbajoogta Soomaaliyeed ay sahmiyaan fursadaha ganacsi ee dalka ka jira. Iyo inay dhaqaale galiyaan fikraddaha cusub ee wax-soo-saarka si keli-keli ah ama si wadajir ah.

Waxaan ku guubaabinaynaa: Maalgashiga oo idil inuu keeno shaqo abuur iyo fursado ay ka faa’iideystaan, qurbajoogta iyo walalahooda dalka gudahiisa.

Waxan tallo ku soo jeedinaynaa: In aqoonta la isweydaarso, xirfadaha dalka loo soo celiyo, iyo wadatashiga ee laamaha ganasiga gaarka ah iyo midka dowliga ah gudaha dalka iyo dibadda  Waxan sidoo kale soo jedinaynaa wada shaqeyn sal-adag leh inayn muhiim u tahay horumar iyo maalgashi waara oo dalku yeesho.

Badalidda halku-dhiga:

Waxan bogaadinaynaa DFS, shacabka Soomaaliyeed ee hal-abuurka gigsiga leh iyo bahwadaagta kale ee caalamka, dadaalkooda ku wajahan dib u dhiska dalkeena.

Waxan qiraynaa: Muhiimiyada iyo mas’uuliyadda gaarsiinta horumarka Soomaaliya dhammaan xiriiradda kale ee dalka iyo dibadda.

Dib u xoojin: Waxan dib u xoojinaynaa dadaaladeena ku saleysan inaan tusaale wanaagsan noqono, kuwaas oo ku saleysan inaan soo booqano dalkeena isla markaasna aan maalgashano, si aan meesha uga saarno fikiradda iyo fasiraadda qaldan.

Waxaan tallo ku soo jeedinaynaa: Istraatiijiyad dhameystiran in la sameeyo isla markaasna la fuliyo si dib loogu naqshadeeyo Soomaaliya.

Waxaan u baahanahay innaan noqono kuwa la yimaada, isla markaasna aan hogaamino isbedelka aan doneyno inaan ka aragno dalkeena.

Waxaan isku raacnay:  In sida kelliya ee lagu gaari karo hiigsigan ay tahay wada shaqeyn iyo inagoo dardar galinayna inaan noqono muwadaniin wax-tar leh oo muuqda.

Waxan ku boorinaynaa: Iskaashi wax-tar leh iyo wada shaqeyn ay yeshaan Qurbajoogta iyo walaalaha Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa.

Waxaan isla qaadeynaa: Innaan wada shaqeyno dhammaan arrimaha na quseeya, meel kasta oo aan joogno si aynu waxtar iyo wax ku biiran waarta oo taabagal ah uga sameyno dalkeena Soomaaliya.

Alnur 2 baruud 111 panel

 

Previous Post

Daawo Sawirrada: Suuq cusub oo laga hirgeliyay degmada Warshiikh

Next Post

Wasiirka Arrimaha gudaha oo Cadaado kula kulmay ku simaha Madaxeweynaha Galmudug+Sawirro

Next Post
Wasiirka Arrimaha gudaha oo Cadaado kula kulmay ku simaha Madaxeweynaha Galmudug+Sawirro

Wasiirka Arrimaha gudaha oo Cadaado kula kulmay ku simaha Madaxeweynaha Galmudug+Sawirro

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo  shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shir muhiim ah oa daahfuray Nairobi

May 14, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ka daahfuray kulan la isugu keenay khubarada, sameeyayaasha...

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

Guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda Soomaaliya oo Beesha Caalamka u soo bandhigay Warbixin Sanadeed kii 2024.ka

May 14, 2025
0

Wasiika Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo xubnaha Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee magacooda loo soo gaabiyo (FGC)...

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Urur aiyaasadeedyo

May 14, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ah ee ururnimo guddoonsiiyey urur-siyaasadeedyo cusub oo soo buuxiyay...

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirtay muddo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In