Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane  Shaikh Mohammad Bin Zayed Al Nahyan, oo ah dhaxal sugaha imaaradda Abu Dhabi isla markaana ah ku xigeenka taliyaha ciidanka qalabka sida ee wadanka isu tagga imaaraadka  Carabta ayaa la kulmay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay wadankaas.

Kulanka ay wada yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac oo arimaha  badan taabanaya, iyadoo sidoo kale ay isla soo qaadeen kor u qaadida iskaashiga ganacsiga,horumarinta, siyaasadda iyo amniga.

Related posts

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026

Sidoo kale, waxaa ay ka wada hadleen mashaariicda Imaaraadka Carabta uu ku taageerayo shacabka Soomaaliyeed sida dib u dhiska wadanka iyo arimaha bulshada si Soomaaliya ay awood ugu yeelato horumar iyo deganaansho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhaxal sugaha Imaaradda Abu dhabi waxaa uu warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dadaalada dowladda ay ugu jirto sidii meesha looga saari lahaa kooxda argagaxisada ee Al-shabab isla markaana wadanka loogu soo dabaali lahaa nabad iyo xasilooni buuxda.

Shaikh Mohammad ayaa carabta ku adkeeyay in Imaaraadka Carabta ay ka go’an tahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si loo gaaro hadafka la hiigsanayo oo ah horumar iyo kala dambeyn. Waxaana uu shacabka Soomaaliyeed u rajaayay barwaaqo, nabad iyo deganaansho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa waxaa uu dowladda Imaaraadka Carabta ugu mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan arimaha bani’aadanimada, kaalinta dib u dhiska wadanka, ka gacansiinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah ee Al-shabaab.

Ugu dambeyntii labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wadhadleen arimaha gobolka iyo guud ahaan caalamka oo ay isku afgarteen in ay aragti isku mid ah ka lahaadaan.

Previous Post

Kenyatta : AMISOM 2018 waa ay ka bixi doontaa Soomaaliya

Next Post

Kenya: ammaanka xadka wuu wanaagsan yahay

Next Post
Kenya: ammaanka xadka wuu wanaagsan yahay

Kenya: ammaanka xadka wuu wanaagsan yahay

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In