Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nin ganacsade ahaa oo lagu diley xaafadda Islii

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Nin ganacsade ahaa oo lagu diley xaafadda Islii
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa xalay nin ganacsade ah waxaa ay ku dileen xaafadda islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo la sheegay in kooxdii dilka geysatay  ay sidoo kale tiro aan la cayamin oo lacag ah ay ka qaateen ninka la diley.

Ninka la diley ayaa la oran jirey Mustafa Sheekh, oo  35 sano jir ah, kaas oo ku sugnaa xarunta shirkad lagu magacaabo  Kenzi Enterprise Ltd, oo ku dhow masjidka  Dar Es Salam , markaas oo ay weerar ku soo qaadeen shan nin oo midkood ku hubeysanaa bastoolad.

Related posts

R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiiro cusub

December 13, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

December 13, 2025

Waxaa jirey muran dhex maray burcadda iyo ninka ganacsadaha ahaa ee dhintay iyadoo markii dambe ay rasaas ku fureen taas oo ka haleeshay garabka midig waxaana loo qaaday isbitaal halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday.

Saraakiisha  saldhiga booliiska ee Shauri Moyo, ayaa goobta ka soo qaaday alaab xiran oo la aaminsan yahay in uu lahaa ninka geeriyooday, kuwaas oo hadda baaritaan uu ku socdo.

Bishii la soo dhaafay, hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa labo kamid ah ilaaladiisa lagu dhaawacay xaafadda Islii, iyadoo sidoo kale nin kamid ah booliiska xaafadaas oo lagu magacaabo C/casiis Maxamed laga xaday bastooladiisa taas oo ilaa iyo hadda aan la helin.

Previous Post

AUN Janaraal Samatar oo maanta Muqdisho lagu aasay-Sawirro

Next Post

Khasaarihii ka dhashay dhul-gariirkii Talyaaniga oo kordhay-Sawirro

Next Post
Khasaarihii ka dhashay dhul-gariirkii Talyaaniga oo kordhay-Sawirro

Khasaarihii ka dhashay dhul-gariirkii Talyaaniga oo kordhay-Sawirro

R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiiro cusub

December 13, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqon doona...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

December 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay u-qaabilsanaha cusub arrimaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga,...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In