Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Labo Qof ayaa ku Geeriyootay Bam Lagu Tuuray Goob uu Dab Ka Kacay Magaalada Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Dabdamiska Gobalka Banaadir Oo ku Guuleystay daminta Dab ka kacay Isbitaalka Banaadir

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Laba qof oo dad rayad ah ayaa ku geeriyootay Bam-gacmeed Galabta lagu tuuray Goobo ganacsi oo uu dab qabsaday Xaafadda Suuqa Xaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geedi oo uu waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA, ayaa sheegay goobo ganacsi oo uu dab qabsaday ay damiyeen Kooxaha Dabdamiska Gobalka Banaadir.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Col Bishaar ayaa xusay in markii dabka la damiyay kadib Bam-Gacmeed lagu tuuray Goobtii uu dabku ka kacay, halkaasina ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

“Bamku wuxuu dhacay kadib markii dabka ladamiyay, magaraneyno bartilmaameedkooda, laakin kooxaha argagixisada ayaa ku caanbaxay leynta iyo daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed”Ayuu yiri Col Bishaar.

Agaasimaha Waaxda Dabdamiska Gobalka Banaadir Cabdullaahi Maxamed Cabdulle “Saney” ayaa SONNA u sheegay in ay damiyeen dab baabi’iyay illaa Todobo Tukaan oo isugu jiro goobo lagu iibiyo Qalabka Elaktarooniga, Bagaashka iyo Goob Shidaal oo aad ugu dhaweyd.

Saney ayaa tilmaamay in la baarayo Sababta uu ka dhashay dabka, balse loo maleynayo uu ka billowday Koronta ka kacday dukaanka lagu iibiyo qalabka elektaroonigga.

 

Previous Post

Mareykanka oo cambaareeyay weerarkii Liido

Next Post

Madaxweynaha JFS oo Nairobi kaga qeybgalaya Shir Madaxeedka 6-aad Iskaashiga Afrika iyo Japan (TICAD)+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha JFS oo Nairobi kaga qeybgalaya Shir Madaxeedka 6-aad Iskaashiga Afrika iyo Japan (TICAD)+Sawirro

Madaxweynaha JFS oo Nairobi kaga qeybgalaya Shir Madaxeedka 6-aad Iskaashiga Afrika iyo Japan (TICAD)+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In