Ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay inta u dhexeysa Ilinka Madaxtooyada iyo Hotel SYL.
Qaraxaan oo ahaa mid uu Nafti halige ka tirsan Al Shabaab u soo adeegsadey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ciidamada amniga waxa ay rasaas kaga soo bilaabeen taalada Siyidka, kaasi oo isaga oo lugaha gaariga banjarsanyihiin uu ku qarxay inta u dhexeysa Ilinka Madaxtooyada iyo Hotel SYL, sida uu Radio Muqdisho u sheegay Taliya qeybta guud ee booliska Gobolka Banaadir G/sare Bishaar Abshir Geeddi.
Goobta qaraxu uu ka dhacey dhismooyinkii ka agdhawaa ayaa bur burey guud ahaan waxaana sidoo kale goobta qaraxu uu ka dhacey lagu arkaya gadiid aad u fara badan oo markaa wadooyinka isticmaalayey oo qaraxu bur buriyey, waxaana jira qasaare dhimasho iyo dhaawac inkasto wali hayadaha amniga iyo gurmadka caafimaadka oo koobida qasaaraha qaraxa ka dhashey ku howlan aysan faah faahin wali
Wixii faah faahin wan idin soo gudbineynaa