Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka oo la kulamay Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo taliyaha AMISOM+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka oo la kulamay Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo taliyaha AMISOM+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa la kulmay Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya Danjire Francisco Madiera iyo taliyaha howlgalka midowga Afrika ee AMISOM Jenaraal Cismaan Nuur Subagle.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa kala hadlay Danjiraha iyo taliyaha xaalada amniga guud ee dalka iyo sidii loo kordhin lahaa weerarada ka dhanka ah kooxa nabadiidka, sidoo kale Mudane Carteh ayaa uga mahadceliyay Midowga Afrika dadaalada ay ugu jiraan xasilinta dalka.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

‘’Kooxa nabaddiidka waxey ka soo horjeedaan jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, waan inaan laba laabnaa anagoo is garabsaneyna weerarada aan ku ciribtireyno argagixisada si dadka Soomaaliyeed ay nabad ugu noolaadaan’’

Mudane Carteh ayaa Danjire Madiera iyo Jeneraal Subagle u sheegay in xukuumadda ay ka go’antahay in la tayeeyo ciidamada Soomaaliya si ay u la wareegaan amniga guud ee dalka markuu dhamaado waqtiga ciidamada AMISOM.

‘’Xukuumadda waxey dadaal dheeri ah ku bixineysaa dib u dhiska iyo tayeeynta ciidankeenna si ay awood ugu yeeshaan in ay hantiyaan amniga dalka kadib marka uu dhamaado mudada howlgalka ciidamada AMISOM’’.

Ugu dambeyntii Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ayaa ka codsaday Danjiraha iyo Taliyaha iney kordhiyaan dadaalka ay ugu jiraan xasilinta dalka iyo la dagaalanka kooxa nabadiid ka ah.

unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9)

Previous Post

R/wasaare ku xigeenka oo maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday IGAD+Sawirro

Next Post

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha oo ka qeyb-galay Janaasada Askar ku shahiidday qaraxii shalay

Next Post
Daawo Sawirrada: Madaxweynaha oo ka qeyb-galay Janaasada Askar ku shahiidday qaraxii shalay

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha oo ka qeyb-galay Janaasada Askar ku shahiidday qaraxii shalay

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In