Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Guddiga Doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo tababar u soo xiray odayaasha dhaqanka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Guddiga Doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo tababar u soo xiray odayaasha dhaqanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddig Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa maanta soo gunaanaday tababar laba maalin qaatay oo loo qabtay odayaasha dhaqanka labada gobo lee ka tirsan liiska 135ta ah ee soo xulaya
xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Tababarkan oo odayaasha dhaqanka ay ku soo qaateen duruus ku aaddan guud ahaan hannaanka doorashooyinka sanadkan 2016, iyo gaar ahaan kaalinta kaga aaddan odayaasha dhaqanka, Waxaana odayaasha loo qeybiyay foomam la xiriira ergada Xildhibaanka soo dooranaya.

Related posts

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 22, 2026
Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

August 22, 2026

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay guddoomiyayaasha guddiyada doorashooyinka heer federal iyo heer dowlad goboleed Avv. Cumar M. Cabdulle (Cumar Dhagey)  iyo Zaki Cabdi Xaraare iyo waliba qaar ka mid ah odayaashii ka qeybgalay tababarka.

Guddoomiyaha Guddiga Heer Federaal ee Hirgalinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) Avv. Cumar Dhagey ayaa ka faallooday qodobadii lagu gorfeeyay tababarkii loo soo xiray odayaasha dhaqanka iyo waxyaabaha looga baahan
yahay inay ku dhaqaaqaan si looga dhabeeyo hirgalinta hannaanka doorashooyinka sanadkan.

Guddoomiye Cumar Dhagey ayaa sidoo kale u ballan qaaday odayaasha in guddiyada doorashooyinku si dhow ula shaqayn doonaan inta lagu guda jiro geeddi socodka doorashada si la isaga kaashado howlaha shaqo ee dhammaan
hor yaalla.

Guddoomiyaha Guddiga Heer Dowlad Goboleed ee Hirgalinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe Mudane Zaki Cabdi Xaraare oo soo gunaanaday munaasabaddii xeritaanka tababarka ayaa u mahad celiyay odayaasha dhaqanka labada gobol, GFHDD, iyo dhammaan howl wadeennada doorashooyinka.

Mudane Xaraare ayaa sidoo kale kula dardaarmay odayaasha inay dar dar galiyaan howlaha hor yaalla isla markaana wada tashi ballaaran la sameeyaan bulshada ay matalaan si guud ahaan shacabka labada gobol ay qeyb uga noqdaan hannaanka doorashooyinka sanadkan 2016.

20160831_235400 20160831_235417 20160831_235502 20160831_235530 20160901_000751 20160901_004213 - Copy

20160901_003625

Previous Post

Maleeshiyaadka Shabaab oo dil naxariis darro ah ka geystay tuulada Biyo-caddo ee G/Sh/Dhexe

Next Post

Dhageyso:-Horjoogihii Kooxda Daacish ee Gobalka Baay Iyo Maleeshiyadkiisii Oo La Qabtay+Sawirro

Next Post
Dhageyso:-Horjoogihii Kooxda Daacish ee Gobalka Baay Iyo Maleeshiyadkiisii Oo La Qabtay+Sawirro

Dhageyso:-Horjoogihii Kooxda Daacish ee Gobalka Baay Iyo Maleeshiyadkiisii Oo La Qabtay+Sawirro

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Deegaanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa 21-kii bishaan Agoosto laba weerar oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab...

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Deegaanka Hul-Caduur oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa wajahaya xaalad adag, kaddib markii Bacadku si weyn...

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Madey nurey sheikh ufurow, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BEIJING):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdigataax Qaasim Maxamuud, oo magaalada Beijing ee xarunta dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In