Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan sinnaan la’aanta looga hadlayay oo Mareykanka lagu qabtay-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Kulan sinnaan la’aanta looga hadlayay oo Mareykanka lagu qabtay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo abaabuleen ururka Somali Siman oo ah urur u ololeeya arimaha bulshada ayaa ka dhacay gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, waxaa ka soo qeybglay qeybaha bulshada, siyaasiyiin, iyo safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Axmed Ciise Cawad.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026

Arimaha  kulankan diirada lagu saaray ayaa aheyd in dadka Soomaaliyeed laga wacyi galiyo sidii bulshada looga ciribtiri lahaa arimaha kala qabiileysiga, Quursiga iyo liidida oo qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed lagu hayo.

Dr.Rashiid oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay meesha ayaa ka sheekeeyay marxalada ay ku suganyihiin dad badan oo Soomaali ah oo ku nool gudaha Soomaaliya, kuwaas oo aaminsan in ay ka liitaan dadka kale taas oo sababtay in ay gaari waayeen yoolka noloshooda, isla markaana aysan si furan u dhexgali karin bulshada inteeda kale, sida Guurka, Siyaasada, dhaqanka, iyo fursadaha kale oo aan badanaa loo ogoleyn.

Safiirka dowlada Soomaaliya u jooga magaalada Washington ee dalka Mareykanka, Axmed Ciise Cawad oo ka soo qeybgalay kulankan ayaa dhankiisa ku dheeraaday sida arimahan ay ku badan yihiin caalamka laakin ay kala halis badan yihiin, iyada oo Soomaaliya ay ka jirto wacyigalin la’aan la xariirta arimaha faquuqa salka ku haya.

Waxa uu intaa ku daray in dadka Soomaaliyeed aysan kala duwanayn kalana sareeyn karin isaga oo ugu baaqay bulshada in dadka walaalahooda ah ay u arkaan in iyaga oo kale ay yihiin oo aan marnaba la ilaabin in Soomaalidu isku af, dhaqan iyo midab tahay.

Proff. Cabdi M.Kusoow oo ah aas aasaha ururka Somali Siman ayaa aad ugu hadlay halka ay hiigsanayaan iyo waxa Somali siman u taagan yihiin, isaga oo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karto hadii faquuqan uu bulshada ku dhex jiro.

Kusoow, ayaa ayaa xalka arintan u arka in bulshada Soomaaliyeed wacyigooda kor loo qaado isla markaana waxbarashada lagu dadaalo, isagoo tilmaamay in nabad iyo horumar la gaaraa ay ku xiran tahay in bulshada Soomaaliyeed is ogolaato.

Dr.Abukar Carmaan oo ah aqoonyahan siyaasi ah oo kulanka la qeybgalay ayaa waxaa uu sheegay in arintan sabab u tahay jahliga ka dhex jira bulshada Soomaaliyeed loona baahan yahay in arintaas xal loo helo, waxaana dowladda Soomaaliya iyo maamulada kale ee dalka ka jira ka codsaday in ay hoos u fiiriyaan arimahan.

IMG_9160 IMG_9167 IMG_9207 IMG_9211 IMG_9212 IMG_9220 IMG_9270 IMG_9272 IMG_9275 IMG_9287 IMG_9351 IMG_9364 IMG_9428 IMG_9437 rgr tyr676

Deeqo Shire (SONNA)

Previous Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 5-9-2016

Next Post

188,747 oo Xaaji oo laga celiyay magaalada Makkah

Next Post
717 Xaaji ayaa ku geeriyooday magaalada Mina

188,747 oo Xaaji oo laga celiyay magaalada Makkah

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah...

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, iyo shacabka ku nool magaalada Baraawe ayaa...

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socdaan cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socdaan cod-bixinta doorashooyinka

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa kormeer shaqo ku tagay goobaha ay ka...

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-The Federal Government of Somalia reaffirms its full respect for the constitutional rights of citizens to peaceful assembly, expression,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In