Thursday, July 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan sinnaan la’aanta looga hadlayay oo Mareykanka lagu qabtay-Sawirro

caqiil by caqiil
September 5, 2016
in Wararka
0
Kulan sinnaan la’aanta looga hadlayay oo Mareykanka lagu qabtay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Kulankan oo ay soo abaabuleen ururka Somali Siman oo ah urur u ololeeya arimaha bulshada ayaa ka dhacay gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, waxaa ka soo qeybglay qeybaha bulshada, siyaasiyiin, iyo safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Axmed Ciise Cawad.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

July 31, 2025
Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

July 31, 2025

Arimaha  kulankan diirada lagu saaray ayaa aheyd in dadka Soomaaliyeed laga wacyi galiyo sidii bulshada looga ciribtiri lahaa arimaha kala qabiileysiga, Quursiga iyo liidida oo qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed lagu hayo.

Dr.Rashiid oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay meesha ayaa ka sheekeeyay marxalada ay ku suganyihiin dad badan oo Soomaali ah oo ku nool gudaha Soomaaliya, kuwaas oo aaminsan in ay ka liitaan dadka kale taas oo sababtay in ay gaari waayeen yoolka noloshooda, isla markaana aysan si furan u dhexgali karin bulshada inteeda kale, sida Guurka, Siyaasada, dhaqanka, iyo fursadaha kale oo aan badanaa loo ogoleyn.

Safiirka dowlada Soomaaliya u jooga magaalada Washington ee dalka Mareykanka, Axmed Ciise Cawad oo ka soo qeybgalay kulankan ayaa dhankiisa ku dheeraaday sida arimahan ay ku badan yihiin caalamka laakin ay kala halis badan yihiin, iyada oo Soomaaliya ay ka jirto wacyigalin la’aan la xariirta arimaha faquuqa salka ku haya.

Waxa uu intaa ku daray in dadka Soomaaliyeed aysan kala duwanayn kalana sareeyn karin isaga oo ugu baaqay bulshada in dadka walaalahooda ah ay u arkaan in iyaga oo kale ay yihiin oo aan marnaba la ilaabin in Soomaalidu isku af, dhaqan iyo midab tahay.

Proff. Cabdi M.Kusoow oo ah aas aasaha ururka Somali Siman ayaa aad ugu hadlay halka ay hiigsanayaan iyo waxa Somali siman u taagan yihiin, isaga oo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karto hadii faquuqan uu bulshada ku dhex jiro.

Kusoow, ayaa ayaa xalka arintan u arka in bulshada Soomaaliyeed wacyigooda kor loo qaado isla markaana waxbarashada lagu dadaalo, isagoo tilmaamay in nabad iyo horumar la gaaraa ay ku xiran tahay in bulshada Soomaaliyeed is ogolaato.

Dr.Abukar Carmaan oo ah aqoonyahan siyaasi ah oo kulanka la qeybgalay ayaa waxaa uu sheegay in arintan sabab u tahay jahliga ka dhex jira bulshada Soomaaliyeed loona baahan yahay in arintaas xal loo helo, waxaana dowladda Soomaaliya iyo maamulada kale ee dalka ka jira ka codsaday in ay hoos u fiiriyaan arimahan.

IMG_9160 IMG_9167 IMG_9207 IMG_9211 IMG_9212 IMG_9220 IMG_9270 IMG_9272 IMG_9275 IMG_9287 IMG_9351 IMG_9364 IMG_9428 IMG_9437 rgr tyr676

Deeqo Shire (SONNA)

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 5-9-2016

Next Post

188,747 oo Xaaji oo laga celiyay magaalada Makkah

Next Post
717 Xaaji ayaa ku geeriyooday magaalada Mina

188,747 oo Xaaji oo laga celiyay magaalada Makkah

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

July 31, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Jakarta...

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

July 31, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Guddoomiyaha Baarlamaanka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha dhijitaalka nidaamka maareynta maaliyadda

July 31, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, si looga hortago khasaaraha...

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

July 31, 2025
0

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.Munaasabadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In