Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka waxbarashada oo la kulmay dhigiisa dalka Suudaan-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka waxbarashada oo la kulmay dhigiisa dalka Suudaan-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Cabdi Xaanshi oo booqasho ku jooga dalka Suudaan ayaa la kulmay wasiirka waxbarashada dalkaas, Drs Sumayah Abuu Kashwah, ayagoo ka wada hadlay sidii wada shaqeynta ka dhexeysa loo xoojin lahaa.

Mudane C/qaadir Cabdi Xaanshi wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa dhigiisa dalka Suudaan waxaa uu ka codsaday in la kor dhiyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Suudaan ku caawiso dhalinyarada Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Kulanka ay wada yeesheen labada dhinac ayaa waxaa goob joogka ahaa danjiraha Soomaaliya u jooga dalkaas Maxamed C/laahi Ugaas, u qeybsanaha hidaha iyo tacliinta sare ee safaaradda Dr. C/qaadir Guulane iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane C/qaadir Cabdi Xaanshi ayaa sheegay in dowladda Suudaan ay abaal badan u gashay shacabka Soomaaliyeed mudadii dalka dowlad la’aanta ahaa isla markaana hadda ay muhiim tahay in la xoojiyo xiriirka wada shaqeyneyd ee labada wasaaradood.

Mudane C/qaadir Cabdi Xaanshi wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa wasiirka waxbarashada dalka Suudaan, Drs Sumayah Abuu Kashwah, waxaa uu ka dalbaday in deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya ka heleyso Suudaan ay u badnaayeen shahaadada koowaad ee Jaamacadda isla markaana hadda loo baahan yahay in ay ku soo daraan qeybaha kale sida Master iyo PhD.

Sidoo kale, Drs Sumayah Abuu Kashwah  oo ah wasiirka waxbarashada dalka Suudaan ayaa aad u soo dhaweesay codsiga wasiirka iyadoo sheegtay in ay diyaar u yihiin wax walbo oo ay u baahan yihiin ayna ka saacidi doonaan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, waxayna amaantay  doorka  muuqda ee ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Suudaan  kaalmaha ay ka galaan jaamacadaha Suudaan.

IMG_20160905_131548 IMG_20160905_131607 IMG_20160905_131620 IMG_20160905_131658 IMG_20160905_131711 IMG_20160905_131718 IMG_20160905_131815 IMG_20160905_131820 IMG_20160905_131831

W/D: Cabaas Maxamed Nuur

Previous Post

Mashaariic horumarineed oo laga bilaabay degmada Kaxda-Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 6-9-2016

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 6-9-2016

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In