Danjiraha Soomaalia u fadhiya Dalalka Afrikada Koonfureed,Danjire Jamal Barrow ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee Faadumo Nuur Maxamed oo ka tirsanayd xildhibaannada Soomaaliya.
“Anigoo ku hadlaayo magaceyga iyo magaca Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradaha Soomaaliya ee Afrikada Koonfureed waxaan halkaan tacsi ugu dirayaa Qoyskii ay ka baxday Allah u naxriistee Marxuum Ex Xildhibaanad Faadumo Nuur Maxamed inuu Jannadii fardowso ka waraabiyo,Qaranka iyo Ummadda Soomaaliyeedna uu Samir ka Siiyo” ayuu yiri Danjiruhu,
Ex Xildhibaan Faadumo Nuur Maxamed oo mudooyinkan ku xanuunsaneyd Dalka India iyadoo xanuunkaasi u geeriyootay.