Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka carabta oo hilib  u qeybisay boqolaal qoysas danyar ah-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka carabta oo hilib  u qeybisay boqolaal qoysas danyar ah-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Bisha Cas ee dowladda Imaaraatka carabta ayaa deeq hilib ah u qeybisay boqolaal qoysas danyar ah, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaxootiga Yeminiinta ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Hay’adda bisha cas ee Imaaraadka carabta ayaa qashay 200 oo neef oo lo’ ah oo ay ugu talagashay in hilibkooda loo qeybiyo qoysaska dantayar, barakacaayasha, Xarumaha  agoonta, qaxootiga Yeminiinta si walaalahooda kale ula qeybqasadaan farxada ciidul Adxa.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026

Deeqdaan hilibka ah oo ay qeybisay hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka carabta ayaa waxaa ka faa’ideystay ku dhowaad 2400 oo qoys kuwaas oo isugu jira barakacayaal, dadka dhimirka la’ ee ku jira Isbitaalka Laansareeti iyo qaxootiga Yemen ee Ku sugan magaalada Muqdisho.

Dadkii ka faa’ideystan deeqdaan ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Imaaradtka Carabta deeqda ay soo gaarsiiyeen, iyagoo sheegay in ay kusoo beegantay xilli ay si aad ah ugu baahnaayeen islamarkaana ay u dabaal degayaan munaasabadda Ciidul Adxa.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’ideystan deeqdaan hilibka ah ayaa dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ku amaanay sida ay had iyo jeer u garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee markasta taageerada lagarab taagan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, taageeradaas oo isugu jirta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, caafimaadka, bini’aadanimada iyo mashaariic horumarineed oo kala duwan.

2 3 4 5 6 7 8 9 10 Sawir1

Previous Post

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha dalka Kenya oo soo gaaray Muqdisho

Next Post

Shir Madaxeedka IGAD oo si rasmi ah u furmay “SAWIRRO”

Next Post
Shir Madaxeedka IGAD oo si rasmi ah u furmay “SAWIRRO”

Shir Madaxeedka IGAD oo si rasmi ah u furmay "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In