Wednesday, June 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madax kala duwan oo shirka IGAD ka hadashay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Shir Madaxeedka IGAD oo si rasmi ah u furmay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si rashmi ah u furay shir Madaxeedka IGAD ayaa sheegay in shirkan uu ahmiyad ugu fadhiyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Soomaaliyana ay ku guuleysatay xaqiijinta amniga dalka.

“Kulan Madaxeedka IGAD ee ka furmay Muqdisho waxay daliil u tahay in waddamada gobolka iyo beesha caalamka ay garowsadeen horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinaca dowlad dhisidda iyo nabad soo celinta, isla markaana Soomaaliya ay dib u soo ceshatay sumcaddii iyo sharaftii ay ku lahayd beesha caalamka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in horumarka ay ku talaabsaday Soomaaliya ay guul u tahay wadamada gobolka, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii Soomaaliyada arrimaha amniga gacan looga siin lahaa.

Madaxda shirka ka qeyb gashay waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha Kenya, Uganda iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ay cilad ku timid diyaaraddii siday, marka ay soo gaartay hawada Soomaaliya, taasi oo keentay in lagu celiyo dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir iyo Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Silva Kiir ayaa ka maqan shirka, iyadoo ay ka joogaan Wakiilo ka kala socda labada dal.

Madaxda Waddamada Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa ah markii ugu horreysay ay Magaalada Muqdisho ku qabtaan shir Madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Previous Post

Shir Madaxeedka IGAD oo si rasmi ah u furmay “SAWIRRO”

Next Post

Shir Madaxeedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Next Post
Shir Madaxeedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Shir Madaxeedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo ka qeyb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika.

Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo ka qeyb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika.

June 17, 2026
0

Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo...

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

Soomaaliya oo ka digtay xiriir kasta oo Israa’iil la yeelato Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland

June 16, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, 16 Juun 2026 Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In