Thursday, July 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madax kala duwan oo shirka IGAD ka hadashay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 13, 2016
in Wararka
0
Shir Madaxeedka IGAD oo si rasmi ah u furmay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si rashmi ah u furay shir Madaxeedka IGAD ayaa sheegay in shirkan uu ahmiyad ugu fadhiyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Soomaaliyana ay ku guuleysatay xaqiijinta amniga dalka.

“Kulan Madaxeedka IGAD ee ka furmay Muqdisho waxay daliil u tahay in waddamada gobolka iyo beesha caalamka ay garowsadeen horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinaca dowlad dhisidda iyo nabad soo celinta, isla markaana Soomaaliya ay dib u soo ceshatay sumcaddii iyo sharaftii ay ku lahayd beesha caalamka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

July 9, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 9, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in horumarka ay ku talaabsaday Soomaaliya ay guul u tahay wadamada gobolka, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii Soomaaliyada arrimaha amniga gacan looga siin lahaa.

Madaxda shirka ka qeyb gashay waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha Kenya, Uganda iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ay cilad ku timid diyaaraddii siday, marka ay soo gaartay hawada Soomaaliya, taasi oo keentay in lagu celiyo dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir iyo Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Silva Kiir ayaa ka maqan shirka, iyadoo ay ka joogaan Wakiilo ka kala socda labada dal.

Madaxda Waddamada Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa ah markii ugu horreysay ay Magaalada Muqdisho ku qabtaan shir Madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Previous Post

Shir Madaxeedka IGAD oo si rasmi ah u furmay “SAWIRRO”

Next Post

Shir Madaxeedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Next Post
Shir Madaxeedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Shir Madaxeedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

Senator Xasan Iidow oo ku guuleystay abaalmarin caalami ah

July 9, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay munaasabad heer caalami ah oo lagu guddoonsiiyay Senator Xasan Iidow Muxumed (Kobac)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 9, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka...

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar...

Soomaaliya oo dadaal ku bixineysa Teknoolajiyad loo simanyahay

Soomaaliya oo dadaal ku bixineysa Teknoolajiyad loo simanyahay

July 9, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macallin oo ku sugan Geneva, Switzerland, ayaa ka qeybgalay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In