Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 06 – 14 Seteember 2016. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.
Kulankan wuxuu dabasocdaa kulankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdisho 02-09 Agoosto 2016, kaasoo lagu gaaray go’aamo khuseeya doorashada 2016ka.
Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la qiimeeyo arrimaha qabsoomay iyo in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016ka.
1.) Kulanka Furitaanka:
1.1.) Madaxweynaha: Ayaa soo dhoweeyey dhammaan ka qaybgalayaasha si gaar ahna uga mahadceliyey Beesha caalamka. Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay in muddada la haysyto ay aad u kooban tahay loona baahan yahay in si wadajir ah loogu guntado dardargelinta doorashooyinka waqtiga oo aad u kooban awgeed. wuxuu gaar ahaan ula hadlay Beesha Caalamka in ay ilaaliyaan ballanqaadyadii taakulaynta fulinta doorashooyinka dadban ee 2016.
1.2.) Ergayga Gaarka ah ee Qaruumaha Middobay; Mr. Michael Keating: oo hadal dheer ka jeediyey furitaanka madasha oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah deeqbixiyeyaasha beesha caalamka. Arrimaha uu taabtay waxaa ka mid ahaa Dhamaystirka Dhismaha maamul-Goboleedka ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, Geeddisocodka Dib-u-eegista Dastuurka, Arrimaha Doorashooyinka Dadban iyo arrimaha amniga. Wuxuuna ugu dambayntii mar
kale Madasha u xaqiijiyay in beesha caalamku ay diyaar ula tahay taageero buuxda kuna dadaali doonaan in wax walba waqtigeeda lagu bixiyo.
1.3.) Madasha Hoggaanka Qaran waxay guddiyada GFHDD iyo GDGHDD ku bogaadisay horumarka laga gaaray u diyaar-garowga loogu jiro geedisocodka doorasho ee 2016, oo ay ka mid yihiin kulammada u billowday odayaal dhaqameedka oo looga arrinsanayo diyaarinta ergooyinka doorashada dadban ee u codayn doonna kuraasta 275-ta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
2.) Daahfurnaanta geedi-socodka doorashada
2.1.) Madashu waxay mar kale ku celisay ballanqaadkeedii ahaa in geedisocodka doorashooyinka uu noqdo mid daahfuran, laguna kalsoonaan karo. Si taas loo helona, Madaxda MHQ waxay hoosta ka xariiqeen in ay jiri doonin isbedel lagu sameeyo mabaadii’da asaasiga ah iyo hanaanka geedisocodka doorashada. Madaxda Madashu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wacyi-gelinta dadweynaha iyo war-gelintooda, waxayna ugu baaqeen GFHDD inay si dhakhso leh u qaadaan tallaabooyinka muhiimka ah ee ku aaddan hawshan.
2.2). Xubin kasta oo ka mid ah MHQ wuxuu saxiixay xeerka anshaxa loo dejiyay ilaalinta daahfurnaanta, hufnaanta iyo habsami u socodka howlaha doorashooyinka dadban. Madashu waxay ku boorrisay dhammaan musharaxiinta u tartamaysa kuraasta Baarlamaanka iyo Xafiiska Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka inay saxiixaan xeer-anshaxeedkan. GFHDD waxaa loo xilsaaray in uu xaqiijiyo in musharrax kasta oo u tartamaya Aqallada Baarlamanka in arjigiisa musharraxnimada ku lifaaqan yahay xeer-anshaxeedkan oo saxiixan.
2.3.) Madashu waxay mar kale ku celisay ballanqaadkeedii ahaa in xubno iyo hay’ado Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ahba awood loo siiyo inay goobjoog ka noqdaan una kuurgalaan geeddisocodka doorashada. Guddiga GFHDD ayaa loo xilsaaray inuu degdeg uga hawlgalo dhammaystiridda habraacyada iyo xeer nidaamiyaha khuseeya arrinkaas, marti-qaadna loo fidiyo xubnaha iyo hay’adaha Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah, loona dhamaystiro arrimaha maamuleed ee la xiriira goobjoogenimadooda.
3.) Miisaniyaadda Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016
3.1.) Madaxda Kulankoodi 6da Seteembar 2016 waxay welwel ka muujiyeen maalgelinta miisaaniyadda lagu fulinaayo doorashooyinka dadban ee Golayaasha Sharcidejinta Qaranka, dareenkaas oo keenay (b) in miisaaniyadda qaranka ee 2016 oo aan ku jirin Madax-xige loo qoondeeyey fulinta Doorashooyinka, iyo (t) ayadoo si cad ayna u muuqan sida loo heli doono qoondaha taakulaynta dhaqaale laga filanayo deeqbixiyeyaasha beesha caalamka. Saa daraadeed Madashu waxay guddonsatay:
3.2.) In ay muhiim tahay in doorashooyinka lagu fuliyo waqtiga loo qorsheeyey. Saa daraadeed Madaxda Madashu waxaa ka go’an in mar kale ay u xaqiijiso dadweynaha Soomaaliya in: (b) in doorashooyinka lagu fulin doono muddada u qorsheysan Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal uu dadweynaha usoo bandhigay; iyo (t) in hirgelinta doorashooyinku tahay mas’uuliyad wadareed oo muwaaddin kastaba waajib ku ah inuu si habsami ah uga hawlgalo.
3.3.) Inkasta oo ay Madaxda Madashu ku rajo weyn yihiin in Beesha Caalamku siday u ballanqaadeen ku fulin doonaan taakulada dhaqaale ee lagu maamuli doono doorashooyinka, hadana xubnaha Madashu waxay isla meeldhigeen in Dawladda Dhexe ee Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada ee Soomaaliya, hadba intii suurtogal ah ay ayaga Soomaali ahaan isugu tashadaan maalgelinta miisaaniyadda lagu fulinaayo doorashooyinka dadban;
3.4.) Madashu waxay soo dhoweysay dib-u-eegista ay Xukuumadda Federaalka ku samaysay miisaaniyadda 2016, kuna dartay madax-xige u gaar ah oo laga bixiyo kharajka lagu maamulayo Doorashooyinka dadban ee 2016. Si kabka miisaaniyadda doorashadu u dhammaystiranto, Madashu waxay R/Wasaaraha u xilsaartay in uu Beesha Caalamka ku dabagalo soo siideynta dhaqaalaha ay horey u ballanqaadeen in lagu fuliyo doorashooyinka.
4.) Arrimaha la xiriira maaraynta Doorashooyinka iyo Odayaal Dhaqameedka
4.1.) Madashu waxay mar kale caddeyneysaa in Odayaal dhaqameedka 135 ee 2012 ay yihiin saldhigga liiska Odayaal-Dhaqameedka ka hawlgalaya arrimaha doorashooyinka dadban ee 2016. Waxaa sidoo kale liiska asalka ah lagu daray duubkii lagu soo beddelo duub geeriyooday. Kulanka Madashu ka dib markii uu qaddariyey nuxurka soo jeedimaha Guddiga GFHDD ee ku saabsan arrimaha odayaal dhaqameedka iyo maaraynta doorashada dadban waxay gudoomisay:
4.2.) In Odey-Dhaqameed ka mid ah duubabka 135-ta oo Kuraasta Beeshiisu kala taallo degaandoorasho kala duwan, wuxuu wax ka dhisaya kuraasta taalla degaanka uu deggan yahay oo keliya. Kuraasta kale ee la dhigay degaan-doorasho ka baxsan degaankiisa, waxaa wakiil uga noqonaya nabaddoonka ama Nabaddoonada jifada kuraasta leh, oo wax kasoo dhisay maamul-Goboleedyada jira iyo kuwa hadda dhismaya, ayadoo GDGHDD iyo maamul goboleedyadana ay xaqiijinayaan.
4.3.) Madashu waxay ansixisay in Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble yahay duubka Beesha Xawaadle ugu jira liiska asalka ah ee Odayaasha Dhaqanka ee 135-ta, maadaama ay beeshiisu si rasmi ah u caleema saartay, waxaana lagu beddelay Cumar Ugaas Muumin.
4.4.) Oday-dhaqameedkii tagi waaya Xarumaha Degaan-Doorashooyinka ay ka socdaan hawlaha doorashooyinka kuraasta beeshiisa, ama wakiil u sameeysan waaya, ama soo gudbin waaya Ergada Doorashada xilligii loo qabtay, waxaa arrinta la wareegaya Guddiga GDGHDD iyo Maamulka Dawlad-Goboleedka kursigu yaallo iyagoo kulminaya odayaasha beesha kursiga iska leh, si ay usoo
xushaan (5) nabadoon oo midkood horjooge yahay, si ay beeshaas ergada ugu soo xulaan;
4.5.) Beelaha kuraas ku leh Baarlamaanka Federaalka aan Oday ku laheyn Odey dhaqameedyada 135-ta oo ay 2012 kuraastoodu u saxiixeen odayaal dhaqameed beelo kale ah, kursigaas ergooyinkisa waxaa qoraaya odaygi kursigaas hore usoo saxiixay 2012, ee ka mid ah 135-tii, asagoo wada tashi buuxa la samaynaya odayaasha beesha kursiga iska leh,
4.6.) Kuraasta Beelaha Ruutis ku leeyihiin Golayaasha Baarlamaanka waxaa usoo saxiixaya Odey-dhaqameedka Reer Ruutis ugu jira 135-ta asagoo si buuxda ula tashanaya odeyaal-dhaqameedka beelaha kale Ruutiska oo aan duub ugu jirin 135-ta odey;
4.7.) Labada kursi ee ku qoran beesha Mushuunguli ee yaala degaan doorashada Jubbaland oo mid kamid ah cabasho ka jirtay ayadoo hore ay u haysan jireen beesha Eylo Jafaay, waxay madashu go’aamisay in kursigaas xalkiisa go’aan ka wada gaaraan Labada Madaxweyne ee Jubbaland iyo Konfur-Galbeed ayagoo la kaashanaya odayaal dhaaameedyada ay khuseyso.
5.) Xaqiijinta Qoondada Haweenka
5.1.) Si loo xaqiijiyo qoondaha kuraasta haweenku ku yeelanayaan Golayaasha Baarlamaanka Federaalka Madashu waxay go’aamiysay in:
5.2.) Beeshii Golaha Shacabka ku leh Saddax (3) kursi waa in uu midkood ahaado kursi haweenka reerkaas keliya ku tartamaan;
5.3.) Sidoo kale, Beelaha kale oo bah ahaan isu xiga waxaa kuraastooda la isugu celcelinaya sida ay isu xigaan oo ay isu leeyihiin, ka dibna Saddaxdii kursiba waxaa laga doonaya in laga soo saaro hal kursi oo ay haweenka keliya ku tartamaan;
5.4). Beelihii diida soo bandhigidda kursiga haweenka, kuraasta beelahaasi waa la laalaya illaa iyo inta Guddiga GDHDD iyo Dawlad-Goboleedka ay go’aan kama dambays ah ka gaarayaan kursigaas.
5.5.) Qoondada Aqalka Sare ee haweenka, Madashu waxay isku raacday in dowlad goboleed kasta ay xaqiijiso 30% kuraasta aqalka sare ay Gabdho kaliya u tartamaan.
6.) Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dooroshooyinka Dadban (GXKHDD)
6.1.) Madashu intii uu socday kulankeedan 6-14 Seteembar 2016 waxay ansixisay waajibaadka iyo awoodaha Guddiga Xallinta khilaafaadka, waxaana isla markaas la dhisay lana ansixiyey xubnaha Guddiga oo ka kooban shan iyo labaatan (25) xubnood.
6.2.) Madasha waxay Beesha Caalamka ugu baaqaysa in ay Guddiga Xallinta Khilaafaadka ku biiriso khubaro la taliya Guddigan.
6.3.) Madasha waxay kaloo isku raacday in Guddigu, asagoo kaashanaayo khubarada caalamiga, in uu sameysto xeer-nidaamiye qeexaya habraaca dacwa-qaadista iyo muddooyinka lagu soo afjaraayo cabashooyinka.
6.4.) Guddiga waa in uu fadhigiisa ugu horreya qabsooma muddo usbuuc gudiheed, ka bilaabata taariikhda magacyada xubnaha Guddiga lasoo bandhigo. Xubintii cudurdaarata oo waqtigaas ku iman weysa Madasha MHQ ayaa beddelidoonta.
7.) Arrimaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe:
7.1.) Madashu waxay mar kale ugu baaqeysaa muwaaddiniinta deggan Gobollada Hiiraan iyo Shabelellada Dhexe in ay wadajir, midnimo iyo daris wanaag muujiyaan oo ay sida ugu fudud uguna dhakhsiyaha badan usoo dhistaan Maamul Goboleedkooda. Sidoo kale Xukuumadda Federaalka waxaa loo xilsaaray in wixii tas-hiilaad ah ee loo baahan yahay ay u fidiso abaabulka iyo fulinta dhismaha Maamul-Goboleedka, arrimaha la xiriira doorashooyinkana go’aan kama danbays ah ka gaarto.
8.) Arrimaha Aqalka Sare
8.1.) Madashu ka dib markey aragtay cabashooyinka badan ee ka imanaya qaybaha bulshada soomaaliyeed qaddarisayna muddada kooban ee la haysto in lagu fuliyo doorashooyinka dadban, waxay go’aamisay in tirada kuraasta Aqalka Sare lagu xaddido Konton iyo Affar xubnood (54) si waafaqsan Dastuurka Federaalka iyo heshiiskii Madasha ee12-kii Abriil 2016.
9.) Arrimaha Somaaliland
9.1.) Go’aamada Madasha lagu gaaray ee ku saabsan hannaanka iyo maamulka doorashooyinka waxa loo adeegsanaya oo keliya kuna eg yihiin doorashooyinka dadban ee 2016.
9.2.) Go’aannada ku saabsan saamiqaybsiga mattalaadda dadweynuhu ku leeyahay Golayaasha Sharcidejinta Federaalka ee Madashu gaartay wax saamayn ah kuma yeelan doonaa go’aannada kasoo baxa wadahadallada kama-dambaysta ah u socda Soomaaliya iyo Somaliland.
10.) Guntanka fadhiga iyo codeynta ergada: Madashu waxay go’aamisay in
10.1.) Guntanka fadhiga codeynta ergada oo ka kooban 51 xubnood wuxuu ku ansaxaya markii ay goobjoog yihiin oo ay codeeynayaan ugu yaraan 41 xubnood, oo u dhiganta 80% tirada guud ee ergada;
10.2.) Madax-dhaqameedka beesha oo ka mid ah haddii uusan isaga iskiisa uga tanaasulin ama cid kale u wakiilan, kama reebanna in uu ka mid noqdo ergada beeshiisa uu codna ku yeesho.
11.) Arrimaha Amniga
11.1.) Madashu si qotadheer ayey uga wada hadashay layslana meeldhigay sugidda amniga dalka guud ahaan iyo sugidda amniga doorashooyinka gaar ahaan;
11.2.) Madashu waxay kaloo guddoomisay in la dhiso Guddiga Amniga Qaranka oo ka kooban; Madaxweynaha Jumhuuriyadda oo Guddoominaya ayna ka mid yihiin: Guddoomiyaha Golaha Shacabka, R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlada Goboleedyada, Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Amniga, Caddaaladda, Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda.
11.3.) Waxaa kaloo la go’aamiyey in Guddiga Amniga Qaranka yeesho Xoghayn Khibrad u leh Aminiga oo uu hoggaaminayo La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada;
11.4.) Madashu waxay soo dhoweysay iskuna raacday qorshaha isku dhafka iyo qaab dhismeedka hoggaamada Ciidammada Qalabka Sida (CQS) ee Soomaaliyeed.
12.) Taageerada Geeddisocodka Doorashooyinka 2020.
12.1.) Madashu ayadoo aqoonsan in loo baahan yahay in doorashooyinka tooska ah ee la filayo in la qabto 2020 noqdaan gundhig si adag u dhidibba aasaya dimoqraadiyeynta dalka, waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka in taageero isla garabtaagto Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
13.) Madasha MHQ
13.1.) Madashada MHQ waxay diyaar u tahay in ay isu timaado kana tashato hadba wixii kale ee soo kordha.
14.) Mahadcelin
14.1.) Madashu waxaa ay u mahadcelineysaa Safiirada idman ee haweenka Somaaliyeed iyo Guddiga Xildhibaanada Haweenka ee Baarlamaanka Federaalka oo runtii muujiyey howlkarnimo iyo in ay ka go’an tahay ka gun gaaridda qoondada haweenka ee 30%.
14.2.) Madashu waxaa sidoo kale u mahadcelineyaan Guddiyada Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba shaqadii wanaagsaneyd ee ay qabteen muddadii yareyd ee ay jireen.
14.3.) Madashu waxay kaloo si gaar ah ugu mahadcelineysaa beesha caalamka oo had iyo goor taageero la garab taagan dowladda federaalka Soomaaliya.
———-Dhamaad———-