Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NISA oo ka warbixisay amniga Muqdisho

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
NISA oo ka warbixisay amniga Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha hay’adda nabad sugidda ee gobolka Banaadir oo ka hadlay, sida hay’adaha ammaanka dawlada Soomaaliya  ay  u xajiiyeen amniga Caasimadda,   maadaama ay marti-galisay shir madaxeedkii  madaxda  wadamada ku bohoobay urur goboleedka IGAD uga qabsoomay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Cabdixakiim Farey,  oo ah taliyaha nabad  sugidda ee gobolka Banaadir   oo  la   hadlay  Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed   ee SONNA,  ayaa tilmaamay in wax weyn laga badalay  ammaanka caasimadda maalmahii la soo dhaafay,  isagoo sheegay in dawladdu ay ku  guulaysatay sugidda  amniga hogaamiyayaasha wadamada ku bohoobay  urur goboleedka “IGAD”   oo  mudda  30- sano ah ka dib lagu qabtay shir madaxeedkii 28 ee urur goboleedka IGAD.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Taliyaha ayaa  intaa Ku daray in tan iyo  mudadii uu socday shirka ayaan   jirin  wax dhacdooyin ah  oo carqaladeyneya ammaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

“Ciidamadu  waxay xireen wadooyinka  iyo goobaha kale ee Muhiimka u ah  caasimada  Waxay talaabadaasi  daliil  u tahay, awooda ciidamada qalabka sida  ee  Soomaaliyeed  ay u leeyihiin hanashada ammaanka  dalkooda, isagoo aan ku tiirsanayn gacan shisheeye, waxaa meesha ka baxay shakigii  beesha  caalamka ay ka muujinayeen  Soomaaliya  ee  ahaa inaan shirar heer caalami ah oo noocaan oo kala ah lagu qaban karin  gudaha dalka” ayuu taliye Farey.

Taliyaha ayaa sidoo kale, ku Amaanay wada shaqeyntii dhexmartay ciidamada iyo shacabka isagoo ku bogaadiyey in ciidamada iyo shacabka oo wada shaqeeya uu dalkeena ku gaari karo isku filnaansho amni.

“Waa  Talaabo   ay  horay u  qaadeen  ciidamada amniga dawladda iyagoo taageero ka helaya shacabkooda taasna ay kalsooni galisay in shacabka Soomaaliyeed  ay  Aamineen  in horumarka ay dawladdu gaartay,” ayuu markale yiri taliyaha NISA ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa  gacanta ku soo dhigay intii hawlgalada  ay  socdeen  tira dad  ah oo lala xariirinayo inay Ka tirsanyihiin argagixisada Al-shabaab .

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 15-9-2016

Next Post

Guddiga doorashooyinka oo Nairobi kulan ku qabtay-Sawirro

Next Post
Guddiga doorashooyinka oo Nairobi kulan ku qabtay-Sawirro

Guddiga doorashooyinka oo Nairobi kulan ku qabtay-Sawirro

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In