Wednesday, August 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NISA oo ka warbixisay amniga Muqdisho

caqiil by caqiil
September 15, 2016
in Wararka
0
NISA oo ka warbixisay amniga Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha hay’adda nabad sugidda ee gobolka Banaadir oo ka hadlay, sida hay’adaha ammaanka dawlada Soomaaliya  ay  u xajiiyeen amniga Caasimadda,   maadaama ay marti-galisay shir madaxeedkii  madaxda  wadamada ku bohoobay urur goboleedka IGAD uga qabsoomay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Cabdixakiim Farey,  oo ah taliyaha nabad  sugidda ee gobolka Banaadir   oo  la   hadlay  Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed   ee SONNA,  ayaa tilmaamay in wax weyn laga badalay  ammaanka caasimadda maalmahii la soo dhaafay,  isagoo sheegay in dawladdu ay ku  guulaysatay sugidda  amniga hogaamiyayaasha wadamada ku bohoobay  urur goboleedka “IGAD”   oo  mudda  30- sano ah ka dib lagu qabtay shir madaxeedkii 28 ee urur goboleedka IGAD.

Related posts

Shirka madasha bani’aadannimada Soomaaliya oo si rasmi ah looga furay magaalada Baydhabo

Shirka madasha bani’aadannimada Soomaaliya oo si rasmi ah looga furay magaalada Baydhabo

August 6, 2025
Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

August 6, 2025

Taliyaha ayaa  intaa Ku daray in tan iyo  mudadii uu socday shirka ayaan   jirin  wax dhacdooyin ah  oo carqaladeyneya ammaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

“Ciidamadu  waxay xireen wadooyinka  iyo goobaha kale ee Muhiimka u ah  caasimada  Waxay talaabadaasi  daliil  u tahay, awooda ciidamada qalabka sida  ee  Soomaaliyeed  ay u leeyihiin hanashada ammaanka  dalkooda, isagoo aan ku tiirsanayn gacan shisheeye, waxaa meesha ka baxay shakigii  beesha  caalamka ay ka muujinayeen  Soomaaliya  ee  ahaa inaan shirar heer caalami ah oo noocaan oo kala ah lagu qaban karin  gudaha dalka” ayuu taliye Farey.

Taliyaha ayaa sidoo kale, ku Amaanay wada shaqeyntii dhexmartay ciidamada iyo shacabka isagoo ku bogaadiyey in ciidamada iyo shacabka oo wada shaqeeya uu dalkeena ku gaari karo isku filnaansho amni.

“Waa  Talaabo   ay  horay u  qaadeen  ciidamada amniga dawladda iyagoo taageero ka helaya shacabkooda taasna ay kalsooni galisay in shacabka Soomaaliyeed  ay  Aamineen  in horumarka ay dawladdu gaartay,” ayuu markale yiri taliyaha NISA ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa  gacanta ku soo dhigay intii hawlgalada  ay  socdeen  tira dad  ah oo lala xariirinayo inay Ka tirsanyihiin argagixisada Al-shabaab .

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 15-9-2016

Next Post

Guddiga doorashooyinka oo Nairobi kulan ku qabtay-Sawirro

Next Post
Guddiga doorashooyinka oo Nairobi kulan ku qabtay-Sawirro

Guddiga doorashooyinka oo Nairobi kulan ku qabtay-Sawirro

Shirka madasha bani’aadannimada Soomaaliya oo si rasmi ah looga furay magaalada Baydhabo

Shirka madasha bani’aadannimada Soomaaliya oo si rasmi ah looga furay magaalada Baydhabo

August 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Cali Saciid Fiqi, ayaa magaalada Baydhabo oo ah xarunta...

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

August 6, 2025
0

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in halgankii ay dadka deegaanku galeen ay haweenku ka qaateen door muuqda oo muhiim...

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

August 6, 2025
0

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga, Ibraahim Cumar Sheegow,ayaa ka qaybgalay daawashada gabagabadii tartanka kubadda cagta oo lagu qabtay...

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya oo aqoon kororsi uga furmay Nairobi

August 5, 2025
0

Agaasime Waaxeedyada Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya ayaa safar shaqo iyo aqoon kororsi ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In