Howlgal qorsheeysan oo ay wadajir u fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa lagu dilay horjoogihii maleeshiyada Alshabaab ee dagmada Aa-dheegle ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka oo dhacay habeennimadii Arbaco aheyd ayaa ciidamada weerar qorsheysan ka fuliyeen degmada Aaw-dheegle Maxamed Xasan, iyagoo sidoo kale soo furtay hub iyo saad ciidan oo ay lahaayeen kooxda Al-shabaab.
Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Jeo Kibet oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijayay in howlgalkaasi oo xalay dhacay lagu dilay horjoogihii Kooxda al shabaab Maxamed Xasan, sidoo kalana Ciidamadu ay gacanta ku dhigeen hub ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Col Kibet, oo SONNA ay wax ka weydiisay khasaaraha soo gaaray ciidamada wadajirka ah ee howlgalka fulay ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo faahfaahin intaas ka badan, balse hoosta ka xarriiqay in howlgalkaasi uu dhamaaday sidii loogu talagay.
Degmada Aaw-dheegle ee gobalka Shabeellaha hoose ayaa qiyaastii 75Km dhinaca galeed ka xigta magaalada Muqdisho, waana deegaan caan ku ah dhinaca wax soo saarka tacbashada beeraha.