Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mu’asasada Maxamed Bin Raashid ee Imaaraadka oo qoys danyar ah u qeybiyay hilib -Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Mu’asasada Maxamed Bin Raashid ee Imaaraadka oo qoys danyar ah u qeybiyay hilib -Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda samafalka Maxamed Bin Raashid ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa deeq hilb ah u qaybisay boqollaal qoys oo dan-yar ah, oo isugu jira dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir, dadka baahida gaarka ah qaba, iyo ardayda Indhoolayaasha ah ee wax ku barta dugsiga Al -Basiir ee magaalada Muqdisho.

Mu’asasada kheyriga Maxamed bin Rashid ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa qashay 170 oo Neef oo lo’ ah, oo ay ugu talo-gashay in hilibkood loo qeybiyo qoysaska Soomaaliyeed ee tabaaleysan iyo dadka ku jira xero ceereedyada ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Related posts

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026

Qaar kamid ah dadkii ka faa’deystay deeqdaan hilibka ah ayaa u mahadceliyay dowladda iyo Isutagga Imaaraadka Carabta gaar ahaan  shacabka Mu’asasada Maxamed Bin Raashid oo deeqdaan soo gaarsiisay xilli ay u baahnaayeen.
Hay’adaha samafalka ee dalka Imaaraadka Carabta oo kala ah Mu’asasada Kheyriga Maxamed bin Rashid iyo Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka ayaa  Sedaxdii maalin ee Ciidul Adxa waxaa ay deeq hilib ah gaarsiiyeen dad fara badan oo ku kala nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Mu’asasada Kheyriga Maxamed bin Rashid iyo Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa xoolaha ay hilib ahaanta u qeybiyeen maalmaha Ciidul-Adxa waxa ay gaarayaan 370 neef oo Lo’ ah, waxaana ka faa’iideystay ku dhawaad 4500 oo Qoys, oo isugu jira barakacayaal, dadka kale oo Saboolka ah iyo qoxootiga Yemen ee ku nool magaalada Muqdisho.

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabtu waxa ay ka mid ah dowladaha mar waliba taageerada iyo kaalmada bini’aadamnimo la garab taagan shacabka Soomaaliyeed.

1 3 4 6 8 9 10

Previous Post

Boliiska Mombasa oo baaraya caafimaadka Saddex dumar ah oo lagu eedeeyay argagixisanimo

Next Post

Horjooge Al-shabaab ah oo Aw-dheegle lagu diley

Next Post
Horjooge Al-shabaab ah oo Aw-dheegle lagu diley

Horjooge Al-shabaab ah oo Aw-dheegle lagu diley

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

Wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb gashay wadatashiga maalgashiga Webiga Shabeelle

September 14, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdifaatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa ka qeyb galay kulan wadatashi ah...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Difaacyada Baydhabo

September 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo howlo shaqo u jooga magaalada Baydhabo, xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In