Saturday, August 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo mar kale ku baaqay in la dhowro nidaamka doorashada 2016

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 21, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha oo mar kale ku baaqay in la dhowro nidaamka doorashada 2016
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku baaqay in la dhowro nidaamka doorashada 2016 ee la filayo in dhowaan ay dalka ka dhacdo, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda musharixiinta iyo hawlwadeenada doorashada.
“Waxaa lagu jiraa marxalad taariikhi ah oo lagu go’aaminayo aayaha siyaasadeed ee waddankeena muddo 47 sanno kadib. Si fursaddani ay u noqoto mid waxtar u leh dalka iyo dadka waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro habraaca doorashada ee ay horkacayaan guddiyada doorashada ee heer federal iyo heer dowlad goboleed’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay inay Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer dowlad goboleed ay ka go’an tahay in la ilaaliyo jadwalka doorashooyinka sidii horey loogu heshiiyay.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

August 9, 2025

Bishan September 25 keeda ayaa waxaa la filayaa inay bilowdaan doorashooyinka labada aqal (Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare), iyadoo bisha October 25-keeda la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka. Doorashada Madaxweynaha ayaa iyana dhici doonta bisha October 30-keeda.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in loo baahan yahay in la ilaaliyo lana xurmeeyo xuquuqda musharixiinta, odayaasha dhaqanka, nabaddoonada, ergada wax dooraneysa iyo hawl-wadeenada doorashada.

“Dhowrista habraaca doorashada waxaa sal u noqonaya in la xurmeeyo hannaan kasta oo sax ah oo doorashada lagu suuragelinayo. Musharixiinta xuquuqdooda waxaa ka mid ah inay si nabad ah u qabtaan ololahooda iyo barnaamijyadooda siyaasadeed ee doorashada. Dimoqraadiyadda iyo xorriyatul qowlka mas’uuliyadda ku saleysan ayaa ma faraya in musharixiinta ay noqdaan kuwo si hufan, waddaniyad leh u soo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasadeed iyagoo qiimeynaya duruufaha dalku ku jiro iyo baahida loo qabo dar-dargelinta dib u heshiisiinta iyo dib u soo celinta kalsoonida shacabka ka dhexeysa’’.

Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dhowaanahan soo gaarayey warar sheegaya inay jiraan musharixiin ololahooda doorashada ay carqaladeeyeen laamaha dowladda, waxaana Madaxweynaha oo ka jawaabaya eedeymahaasi uu ku tilmaamay inay yihiin dacaayado wax loogu dhimayo laamaha amniga iyo sumcadda musharixiinta.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo laamaha amniga, haddana uu farayo in laamahaasi ay si buuxda u ilaaliyaan, isla markaana u dhowraan xuquuqda musharixiinta iyo barnaamijyadooda siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu hay’adaha Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada farey inay ka wada shaqeeyaan sidii doorashada ay ku najixi lahayd.

Previous Post

Dhageysiga Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo galabta dib u billaabatay

Next Post

Kulan looga hadlayay horumarinta Baydhabo oo lagu qabtay isla magaaladaasi

Next Post
Kulan looga hadlayay horumarinta Baydhabo oo lagu qabtay isla magaaladaasi

Kulan looga hadlayay horumarinta Baydhabo oo lagu qabtay isla magaaladaasi

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah...

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

August 9, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

August 9, 2025
0

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA ku soo dhaweeyay Madaxa Hay’adda  Läkarmissionen International...

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

August 9, 2025
0

Iyadoo la fulinaayo amarka ka soo baxay  Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa hoggaanka Xiriirka Bulshada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In