Sunday, June 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Cumar oo kormeer ku tagay Dekadda iyo Garoonka Boosaaso+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Cumar oo kormeer ku tagay Dekadda iyo Garoonka Boosaaso+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo maalmahan socdaal shaqo ku marayay deegaano ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta kormeer howlleed ku tagay Madaarka iyo Dekadda Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socdey ayaa markii ay booqdeen goobahaan waxaa hanaanka shaqo uga warbixiyay hawl-wadeenada Dekadda iyo Garoonka oo sharaxay hanaanka shaqo iyo isbadalada ay ku tilaabsadeen si kor loogu qaado wax-soosaarka illaha dhaqaalaha dalka. Dhanka kalana waxay uga warbixiyeen baahida ay dekeddu u qabto dib-u-habayn iyo casriyeeyn lagu sameeyo.

Related posts

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

June 14, 2026
Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

June 14, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in ay dawladdu iska xil saarayso horumarinta dekedaha dalka, iyo sidii shaqadooda loo si laba jibaari lahaa, lona heli laha dakaddo kale dalka ka saacida in dhoofku kobco. Waxaana uu dhanka kale uga mahad naqay mamulka iyo shaqalaha sida wanagsan ee ay howshooda u guteen, asagoo farta ku fiiqay in uu jiro kor u kac dhanka lacagaha ka soo xarooda dakadda Boosaaso iyo Madaarka Cusub ee dhawaan la sameeyey kaas oo loo dhisay qaab casri ah.

“Dhawaan waxaan ku rajo weynahay inaan suurto galino in hawlaha dekadddu si weyn u kobcaan. Waana muhiim in la casriyeeyo dekadda”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar.

Ka hor booqashada uu ku tagey Boosaaso wuxuu Ra’iisul Wasaarahu tagey magalooyinka Garowe iyo Qardho halkaasi oo kulamo kala duwan kula yeeshay madaxda, dhaqanka iyo qeybaha bulshada Puntland.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 30-9-2016

Next Post

Abaanduulaha Ciidanka XDS “Dad Shacab ah iyo ciidamo ayaa lagu laayay duqeynti Ka dhacday gobalka Mudug”

Next Post
Abaanduulaha Ciidanka XDS “Dad Shacab ah iyo ciidamo ayaa lagu laayay duqeynti Ka dhacday gobalka Mudug”

Abaanduulaha Ciidanka XDS “Dad Shacab ah iyo ciidamo ayaa lagu laayay duqeynti Ka dhacday gobalka Mudug"

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo si rasmi ah uga bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada Galmudug,...

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka subaxlaha ee Taliska Guud...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdulmanaan, ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Guddoomiyaha...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa caawa hoggaamiyay kulan wacyigelin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In