Kulankan oo looga hadlayay sidii Ururka dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka Gobolka banaadir ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska Caasimadda Muqdisho, horumarinta ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ayaa lagu qabtay magaalada Mqudisho, waxaana kasoo qeybgalay Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Gudoomiyaha iskaashatooyinka Gobolka Banaadir Daahir Maxamuud Dirir ayaa sheegay inay dayactir ku smaeeyeen xaruntii iskaashatooyinka, islamarkaana hadda wixii ka dmabeeya ay si dardar leh u bilaabayaan howlaha horyaala iskaahastooyinka.
Sidookale Qaar kamdi ah xubnaha iskaashatooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir oo kulanka ka hadlay ayaa ka codsaday maamalka Gobolka Banaadir in la ilaaliyo xarumihii iyo goobihii muhiimka ahaa ee iskaahatooyinka ku shaqeyn jireen ee magaalada Mqudisho si ay uga qeyb qataaan horumarinta ganacsiga iyo balaarin wax soo saarka.
Sawir Qaade: Maxamed Cabdullaahi Feereysane