Saturday, August 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Doorashooyinka dadban oo ka hadlay goobta ay ka dahcayso Doorashada Xildhibaanada G.Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 3, 2016
in Wararka
0
Guddiga Doorashooyinka dadban oo ka hadlay goobta ay ka dahcayso Doorashada Xildhibaanada G.Hiiraan iyo Sh/Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer qaran ayaa Maanta soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan goobta ay ka dhacayso Doorashooyinka xildhibaanada Gobolada Hiiraan iyo shabeelada Dhexe.

War-saxaafadoodkooda ayaa waxay ku sheegeen in iyaga oo xaqiijineyna xilka iyo waajibka GFHDD ee ku xusan qodobka 6aad xeerka lagu dhisay guddiga oo qeexaya “Guddiga GFHDD wuxuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta in ay si isku mid ah u dhacdo”, ayaan xoogga saareen sidii loo hubin lahaa sidii ay dalka si isku mid ah uga hirgali laheyd doorashada dadban, isla markaana si isku mar ah u dhacdo.

Related posts

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

August 16, 2025

Guddigu waxa uu war saxaafeedka ku yiri “Annaga oo hubineyna in aanu ka hortagno caqabadaha keeni kara dib u dhac iyo habacsanaan ku timmaada qorshaha doorashooyinka dadban ayaan qaadnay talaabada uu na farayo xeerka lagu soo dhisay GFHDD qodobkiisa 8aad oo qeexaysa In aan MHQ wargalin joogta ah siinno iyo in aan waydiisanno hagid siyaasadeed ama go’aanno siyaasadeed marka loo baahdo si loo xaqiijiyo in hannaanka doorashadu uu guud ahaan u noqdo mid isku dheelitiran oo loo wada dhan yahay”.

warku waxa uu tilmaamay in GFHDD oo ogsoon xaqiiqda ah in tilmaamid la’aanta deegaanka doorasho ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, ayaa waxaan qoraal rasmi ah u gudbiyeen MHQ oo ku taariikheysneyd 5tii bisha Sebtember 2016-ka oo ay uga codsadeen MHQ:“Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waa in Madashu Go’aan ka gaarto deegaanka lagu qabanayo doorashadooda ka hor 13 Seb 2016”.

war-saxaafadeedku waxaa kale uu qoraalka hoosta uga xariiqnay in haddii go’aan siyaasadeed oo lagu xallinayo arrimaha tiirarka ah oo ay arrinta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ugu weyn tahay degdeg loo qaadi waayo ay keeneyso dib u dhac iyo habacsanaan ku timaadda jadwalka iyo qorshaha doorashooyinka dadban.

War-saxaafadeedka waxay Guddigu ku xuseen in Warmurtiyeedkii MHQ 6-12 Sebteembar 2016 hagid siyaasadeed oo lagu tilmaamayo deegaanka lagu qabanayo doorashada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe in aan lagu siin. Hase ahaatee, waxaa warmurtiyeedka ku xusan in Xukuumadda Federaalku go’aan kama dambeys ah ka gaarto arrimaha la xiriira doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“GFHDD asagoo gudanaya xilkiisa iyo waajibaadkiisa ku qeexan xeerka lagu dhisay ee na faraya la shaqaynta odayaasha 135ta ayaa taariikhdu markey aheyd 25/09/16, fududeeynay kulan dhexmaray madax dhaqameedyada Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo ay ka soo qeyb galeen 16 oday oo ka mid ah 17-ka oday dhaqameed ee labada gobol. Wadahadalka madax-dhaqameedyada, waxay isla qaateen aragti qeexaysa inay raalli isugu yihiin in doorashada xildhibaaannada labada gobol ka dhacdo magaalada Muqdisho oo ay u arkaan goob dhexdhexaad ah”ayaa war saxaafadeedka lagu yiri.

Guddiga GFHDD ka dib markuu dhagaystay afkaartii odayaasha dhaqanka ee kulankaas joogay waxuu guddigu la wadaagay MHQ iyo dadweynaha Soomaaliyeed, sidaa awgeed guddiga GFHDD wuxuu mar kale caddeynayaa inuusan go’aan ka gaarin goobta doorasho ee gobollada ujeedada ku xusan, balse ay ahayd aragti oday dhaqameedyadu ku cabbireen kulanka aan kor ku soo xusnay.

“Iyadoo jadwalka doorashooyinka dadban uu mar kale ciriiri sii galayo, sida uu tilmaamayo warmurtiyeedkii MHQ ee 6-12 September, ka go’aan gaarista arrimaha doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxay MHQ u xilsaartay Xukuumadda Federaalka ah. Haddaba si GFHDD u guto xilkiisa iyo waajibkiisa kor ku xusan ee xaqiijinta in doorashooyinku si isku mid ah dalka uga dhacdo, waxaan si degdeg ah Xukuumadda Federaalka uga sugaynaa:
1. Ka go’aan gaarista goobta ay ka dhacayso doorashooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe;
2. Hannaanka soo magacaabidda iyo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Guddigu waxa uu mar kale hoosta ka xariiqeynaa in go’aan ka gaarista la’aanta arrimaha siyaasadeed ee ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo Somaliland aan laga gaarin go’aanno lagu xalliyo in ay mar kale sabab u noqon karto habacsanaan iyo dib u dhac ku yimaada doorashooyinka dadban, iyadoo mas’uuliyadeedu yeelan doonin GFHDD.

Ugu dambeyn, wuxuu GFHDD u xaqiijinayaa in talaabooyin wax ku ool ah laga gaaray hirgelinta doorashooyinka dadban, taas oo lagu gaaray dadaalladii sida wadajirka ah ay u qaadeen guddiyada heer Federaal iyo Dowlad-Goboleed oo kaashanaya DFS, Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, MHQ, iyo saaxiibada beesha Caalamka. waxa soo muuqata gaarista himilada ummadda Soomaaliyeed ee ay ku dooranayaan mas’uuliyiinTa hoggaamin lahaa siyaasadda dalka.

GFHDD waxa uu uga mahadcelinayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kuna ammaanayaa sida ay u garab taagan yihiin guddiyada doorashooyinka dadaallada ay ku hirgelinayaan qorshaha doorashada dadban ee 2016.

Previous Post

Madaxweynaha: “ Waxan Baydhabo u joogaa inaan dardar-geliyo hawlaha doorashada 2016 iyo xaqiijinta qoondada haweenka’’

Next Post

Booliiska oo howlgal dad lagu soo qabtay ka fuliyay degmada Kaaraan+Sawirro

Next Post
Booliiska oo howlgal dad lagu soo qabtay ka fuliyay degmada Kaaraan+Sawirro

Booliiska oo howlgal dad lagu soo qabtay ka fuliyay degmada Kaaraan+Sawirro

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL oo kala saxiixday heshiis iskaashi

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala...

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo Cod oo laga daahfuray degmada Afgooye

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah Degmada Afgooye ugu daahfuray ololaha...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra'iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo ay weheliyaan Safiirka...

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa magaalada Baydhaba ku soo bandhigay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In